crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 22 April – Maalinta Caalamiga ee Dhulka Hooyo | HimiloNetwork

22 April – Maalinta Caalamiga ee Dhulka Hooyo

Muqdisho (Himilonews) – Maalinta Caalamiga ah ee Dhulka Hooyo waxaa loogu dabaal-degaa in mid kasta oo inaga tirsan uu xusuusnaado in dhulka iyo hab-nololeedkiisa deegaan ay nolosheenna u yihiin nagaadi iyo nafci.
Waxay sidoo kale garwaaqsataa mas’uuliyaddii shacbi oo la iskugu yeeray sanadkii 1992 shirkii Rio Declaration – in la ilaaliyo xasilloonida dabeecadda iyo dhulka si loogu guuleysto isku dheell-tirnaanta ka dhex jirta dhaqaalaha, bulshada iyo daryeelka deegaanku had iyo jeer – hadda iyo mustaqbalkaba uu nooga baahan yahay.
Maalinta Caalamiga ah ee Dhulka Hooyo waxay la timaadaa fursad kor loogu qaadayo wacyiga dadweynaha dunida ku nool si ay uga hortagaan lunsiga ku socda badqabka deegaanka una ilaaliyaan sugnaanta dabeecaddiisa.
Sanadkii 2016, maanta oo kale markii loo dabaal-degayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhulka Hooyo waxaa hal-ku-dheg ahaan loogu qaatay: Geeduhu waa Dhulkeenna. Balse hal-ku-dhegga sanadkan 2017 waxaa loo qaatay; “Deegaanka iyo xiriirka uu la leeyahay Aqoonta Cimilada.”
Wax-barashadu waa aas’aaska horumarka. Waxaynu u baahannahay dhismaha muwaadinnimo caalami ah oo u geyfan xogaha ku saabsan is-baddalka cimilada iyo halista ay ku keeni karto dhulkeenna. Waxaan dooneynaa in qof kasta oo aqoon-yahan ah aan ku dhiiri-gelinno qaadista tallaab ka dhan ah burburka deegaanka ku socda iyo difaaciisa. Sidaas waxaa lagu qoray mareegta Greeningtheblue.org.
Hal-ku-dhegga sanadkan ee Deegaanka iyo xiriirka uu la leeyahay Aqoonta Cimilada waa mashiin aan kaliya lagu abuuri karin duni cagaaran iyo alkumista xeerar iyo shuruuc degsan oo deegaanka iyo cimilada ku saabsan – hayeeshe sidoo kale lagu hubsan karo abuurista fursad badan oo shaqooyin ah, marka loo eego bogga hey’adda QM.
Marka dib loo raaco dhibaatooyinka sababay is-baddalka ku dhacay cimilada, waxaa muuqata in qeyb ahaan dhibta lagu hayo deegaanka ay kaalin weyn ku yeelatay. Adeegsiga baabuurta oo qiica wasaqaysan kusii daaya hawada kaliya wax-yeelo kuma noqoneyso cimilada ee waxay sidoo kale halis ku tahay hab-nololeedka deegaan ee noolayaasha kale. sidaas darteed, in maanta oo kale hal-ku-dheg ahaan loogu qaato – deegaanka iyo xiriirka uu la leeyahay aqoonta cimilada, waxay la timid mudnaan iyo soo dhaweyn isku soo beegtay waqtigii loo baahnaa.
Si kastaba, hal-ku-dhegga sanadkii hore ee ahaa: Geeduhu waa Dhulkeenna oo loogu ol’oleeyey beerista geedo ku dhow 7.8 bilyan shanta sano ee soo socta ayaa iyadana muujisay baahida deegaanku u qabo helidda geedo badan. Hayeeshe, baahidaas looma wada sinna waa loo kala daran yahay. Waxaana shaki uusan ku jirin dalal ay Soomaaliya kamid tahay inay mashruucaas si degdeg ah ugu ooman tahay.
50-kii sano ee lasoo dhaafay, dhulka Soomaalida waxaa ku socday xaaluf ba’an oo dhirta iyo geedaha lagu idleynayo. Intii talada dalku gacanta ugu jiray xukuumaddii Kacaanka – waloow dhir-jaristu socotay, hadana waxaa xusid mudan waqtigaasi inuu ahaa kii ugu fiicnaa ee soo mara nolosha geedaha iyo dhirta. Tani waxay ku timid iyada oo xukuumaddii waagaas ay jideysay mashruuc dhir-beeris ah; iyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha.
Maanta labadaasba, waxay ka baxeen daaqadda. Ka ganacsiga dhuxushu wuxuu gaaray heerkii ugu sarreeyey taariikhdeenna casriga ah. Mana jirto ol’ole dhir-beeris ah oo ugu yaraan sanadle ah kuwaas oo looga hortagayo carra-guurka iyo dhibaatooyinka kale ee deegaanka ku foolan.
In kasta oo aan laheyn tira-koob sax ah oo lagu ogaaday geedaha ku nool dhulkeenna, hadana waxaan hubanti u baahneyn ayaa ah in sanad kasta kumaankun geedo ah loo jaro in la shito ama dhuxul ahaan looga ganacsado. Adeegsiga adag ee korontada oo qof kasta uusan awoodi karin waxaa dhacda inay qeyb ku yeelato ku-tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee dhuxusha. Hayeeshe marna manoqon karto cudur-daar in dhuxushu noqoto il kamid ah ilaha waaweyn oo ganacsatada qaar ay lacag badan ka sameeyaan.
In danbi loo arko ka ganacsiga daabulka dhuxusha iyo in canaasirta ku jirta ganacsatadeenna oo dhulkeenna ka dhigaya lama-degaan ay dhadhamiyaan ciqaab adag waxay yareyn kartaa mushkiladda. Tanina waa in lala barbar socodsiiyaa mashruuc bulshada lagu fahamsiinayo micnaha iyo macaanka ku jira dhirta iyo halista ka dhalanaysa xaalufinteeda.
Helidda ol’ole dhir beeris ah oo ugu yaraan sanadle ah, waxay yareyn kartaa dhibaatooyinka dhulka hooyo jira. Waxayna abuuri kartaa fursado nololeed iyo shaqooyin ay ka faa’iidaan da’yar badan. Taasina waxay ku xaqiiqoobi kartaa gacan dowladeed ugu horreyn ama mid samafal oo gudaha ah.
Haddii uu si joogto ah u dhaqan-galo ol’ole dhir-beeris sanadle ah waxaa caadyaal ah in dalkani muddo kooban uu kaga soo kabsan karo diifta ka muuqata deegaan ahaan iyo dad ahaan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!