Marka aad tiraahdo Mahadsanid.
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 23, 2018
1,747 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Inta badan waxaa jirta dhaqan aan sal-guurin wali oo ku dhex sugan bulshadeenna. Gaajada, musiibooyinka iyo dhibaatooyinka waxaad hubtaa inaad ugu yaraan heli karto insaan kula damqada oo ku garab istaaga.
Hayeeshe meel aan dhammaanteen ognahay inaysan fal-celintii loo baahnaa la imaaneyn ugu badnaan waa marka aad la macaamilayso bulshadaada. Si kasta oo aad dadaalkii kuugu danbeeyey ugu bixiso qancinta qofka aad la macaamilayso, hal mid hubaal ha u qaadan – in mahadsanid lagu yiraahdo.
Laga soo bilaabo guryaheenna ilaa waddooyinka iyo goobaha lagu kulmo, ereyga mahadsanid malahan mudnaantii uu lahaa. Kama ahan inaysan raali ka aheyn sidii loogu adeegay ama ay saluugsan yihiin wax ka dhiman. Waa dhaqan hal-adeygnimo ah oo muddo dheer kamid ahaa hidde-dhaqanka Soomaalida. In yar oo inaga mid ah, marka aad weydiiso sababta aysan mahadsanid u dhihin qofkii adeegga u qabtay, jawaabta aan is-bedelka lahayn oo ay kuugu war-celinayaan waxay tahay: sadaqo kama doonan ee wax baan kala gadanay.
Balse dhammaanteen ma nihin kuwo sidaas oo kale u fikira. Nolosha adag ee reer miyiga iyo qalafsanaanta dabciga hal-adeygnimada ayaa wali u muuqda sidiisii loogu soo raray magaalooyinka.
Runtii waa arrin aad loola yaabo sababta aan loo qiimeynin xoogga iyo dhididka qofka kula mucaamilooday. Inteenna badan waxaa dhici karta inaan is weydiino: maxay tahay sababta qasbi karta inaan waad mahadsan tahay niraahno?!
Hayeeshe, wali ma is-weydiisay marka aad adigu halgan dheer gabagabadiisa markii aad ku guuleysato qancinta qofka aad u adeegtay uu kaa dhaqaaqo bilaa mahad-celin, makuula midbaa marka si fudud laguugu yiraahdo waad mahadsan tahay.
Dabcan maya! dareenkaas niyada fiican ee qalbigaada qaboojiya wuxuu sitaa sir kale oo ay la nool yihiin kuwa kaa badsatay mahad-celinta badan oo ay dadka wax-u-qabta siiyaan.
Dr. Laura Trice oo cilmi-nafsiga ku xeel-dheer – ahna tababbare nololeed – ayaa fahamsan faa’iidada ku jirta dhihitaanka Weerta Mahadsaid. Haddii aad mar labaad ka fikirayso sababta ay muhiim kuugu tahay adeegsiga kalmadda mahadsanid, waxaan kuugu sheegi karnaa afar sabab oo aad maanta ku raaci karto tareenka la yiraahdo MAHADSANID.
-
Qof ayaa laga yaabaa inuu dhab ahaantii jeclaan lahaa inuu kalmaddaas kaa maqlo. Dr Trice waxay sheegtay sheekada wiil da’yar oo ku jira xarun dhaqan-celin kaas oo ka kabsan waayay xanuunka uu ka helay sida aabihiis uusan waligiis ugu sheegin inuu ku faanayo isaga. Qiyaas imisa aabayaal ah ayaan waligood kalmadda Mahadsanid ku oran wiilashooda ama aan si cad ugu sheegin sida ay qaali ugu yihiin agtooda?! Qaarkeen waxaa laga yaabaa in waalidkoodu dhinteen iyaga oo aan maalinna ka maqal kalmad galad-celin ah.
Tani waa mid kamid ah sheekooyinka marqaatiga ah farqiga baaxadda leh ee abuurmi kara haddii aan amaanta, bogaadinta iyo mahad-celinta shakaal looga dhigin dadaalka ballaaran ee qofka.
-
Waxay abuurtaa saameyn tartiib-tartiib ah. Dhihidda Waad Mahadsan Tahay iyo inaad qadarin u muujiso waxa qof kale uu kuu sameeyey waxay sare u dhigtaa suura-galnimada in mar labaad uu ku saacido. Ku dhawaaqidda kalmadani waxay dadka ka dhigtaa kuwa u diyaarsan kaalmeynta kuwa lamidka ah. Waxaa hubanti ah inaad ka marqaati tahay saaxiibo aad si fudud ku kasbatay muddo kooban gudahood, waayo waxaad dhowr jeer gaarsiisay farriin mahad-celin ah oo aad ku kasbatay dareenkooda.
-
Waxay qofka ka dhigtaa inuu dhoolla-caddeeyo. Mid kamid ah hababka ugu fudud oo qof wejigiisa loogu dheeho farxad waa adiga oo la wadaaga sida ay muhiim kuugu yihiin. Inaad qofka u sheegto sida hagaagsan oo uu shaqada ku gutay ama wax suuban oo noloshooda la xiriirta waxay ku beeraysaa kalsooni iyo dhiirranaan.
-
Waxay kuu kordhisaa caafimaadka maskaxeed iyo kan jireed. Falka qiimeynta iyo galad-celintu waxay caddeynayaan inay ku jirto faa’iido caafimaad taas oo unugyada jirka wanaajinaysa. Sidoo kale, inaad tiraahdo Mahadsanid, waxay hoos u dhigeysaa walwalka.
Tajaaribtan dhawaan un la daah-rogay waxay ayidayaan xadiiskii Suubanaha NNKH uu ku sheegay in qofka aan dadka u mahad-celin uusan Alle u mahad-celin. Shardiga kaliya ee Alle ku balan-qaaday inuu nimcadiisa ku joogteynayo wuxuu ku sheegay mahad-celintiisa.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
Related
2018-01-23
You must log in to post a comment.