MUQDISHO (HN) — Waxaa loo dhigaa saddex kursi marwalba oo uu fadhiisa maago; marka uu bannaan-aadayana waxa loo balaqaa labada fidqo ee ganjeelka guriga si uu uga soo baxo; waa sida gaari laga soo bixinayo guriga. Socodkiisuna ma badna. Laakiin marwalba oo uu banaanka u baxo, 23 jirkan cayilku faraha ba’ani ku hayo, waa mid caan ka ah degaanka uu ku nool yahay.
Wuxuu ku taagan yahay oraahda Somaaliyeed ee tiraahda wixii aan ku cunin waa la cunaa. Waana sabbata uu dadka ugu yeero inay la socodsiiyaan nuucyada cuntooyinka kuwooda ugu nafaqada badan halka ay yaalaan. Balse haba iska hadaafee waa nin howlgal ku jira.
Dad badan ayaa cayilka u arka fashil iyo fool xumo. Laakiin hadda in kale oo ninkani kamid yahay waxay u tahay heybad iyo hadaf ay ka leeyihiin inay wax ku noqdaan. Dadka cayilkan aalaaba waxaa loo fishaa kuwa shil ku dhacay oo aan sida asaagooda caatada ah fursadaha nolosha ka faa’iideysan Karin. Laakiin hadda wuxu xilli hore helayaa garowshiiyo loo muujiyo iyo magac heer xaafadeed ku siman oo uu kula dhex mushaaxo jaarkiisa goor kasta oo uu jidadka xaafaddiisa uu marayo. Ilaa iyo hadda hab nololeedkiisa ma saluugsana wuxuuna farxad ku dareemayaa sida loogu baraarugsan yahay shaqsiyadiisa.
Taniyo markii uu 20-jirsaday, wuxuu aad ugu hanweynaa in mar un magaciisa laga mid dhigo Diiwaanka dadka qeyrul caadiga ah ee dunida ku nool oo lagu qoro Buugga Gines Record.
Sidaas darteed, maalin walba wuxuu cunaa cunnooyinka ay dufanka iyo macaanku ku dhilan yihiin ee jirka ku kordhiya cayilka xad-dhaafka ah. Mana ku joogsado intaas. Xattaa marwalba oo uu banaanka u baxo wuxuu maqaayada ka cunaa dheeraadka uu ku waayo aqalkiisa. Wuxuu sheegay inuusan joojin doonin wax cunista ilaa uu ka dhinto.
In kasta oo uu u muuqdo mid ku raaxaysanaya raashiinka uu karsado, haddana wuxuu sheegta inuu dareemayo caafimaad buuxa. Ma oga haddii uu mar un yoolkiisa ah ninka ugu cayilka badan dunida gaari karo ama aminta uu ku xaqiijin karo, laakiin wuxuusan moogeyn waxa xiga maalinka soo aadan oo uu karsan karo si uu culeyskiisu u kordho.
Marka si dhow loogu fiirsado qaab nololeedkiisa, wuxuu u muuqda nin halista ugu bareeraya si qar iska tuurnimo leh. Isaga ahaanna, wuxuu goor hore dareemaya in marwalba oo culeysku kusii kordho ay ka dhigan tahay suuragalnimada xanuuno lasoo dersa oo ku qasba ugu dambeynti inuu tahli waayo socodka.
Maxayse taladu u taraysaa qof cayilnimada u doonaya inuu magac iyo maamuus caalami ah ku helo? – ama uuba darteed u geeriyoodo.
You must log in to post a comment.