crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga ee Dhiigbixinta – Badbaadi Nolol oo bixi Dhiig. | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga ee Dhiigbixinta – Badbaadi Nolol oo bixi Dhiig.

MUQDISHO (HN) — Maalin kasta dad aan yareyn ayaa ku deeqa dhiigooda si ay u badbaadiyaan naf u baahan, waana maanta oo kale oo ku beegan 14 June oo dunida laga xuso maalinta caalamiga ah ee dhiiq deeqista.

Maxayse maanta oo kale uga dhigan tahay dhiig ku deeqayaasha? Axmed Cabduqaadir Maxamed waa guddoomiyaha Ururka Banaadir Blood Service.

“Waa maalintiina – maalin aanu u istaagno samafalayaasha iyo badbaadiyaasha dadkeenna u baahan dhiig lagu nooleeyo,” ayuu yiri. “Waa maalin u gaar ah qof walba oo kamid ah dhiig ku deeqayaasha.”

Marka loo eego Dr. Abdisatar, dhiiq ku deeqiddu waa hadyadda ugu weyn oo qof uu walaalkiisa u baahan ugu yabooho.

“Runtii ma aqaan wax ka weyn dhiig qof lagu badbaadiyo oo aan xusuusan karo,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka ugu baahida badan dhiig ku deeqista – dadka Soomaaliyeed waa kuwa ugu deeqda badan marka ay timaado bixintiisa. Laakiin wacyi-gelinta oo yar awgeed, farriimaha dhiig bixintu aad uguma dhex baahsana mujtamaca.

Dr. Cusman Maxamud Dufle oo qeyb ka ahaa munaasabadda ayaa bogaadiyay howlaha isxilqaanka ah oo ay wadaan dhalinyarada bahda caafimaadka.

“Waxaa muhiim ah inaan aqoonsanno kaalintii jiilka da’yarta ah ee buuxinaya booskii keydka qaranka,” ayuu yiri. “Taariikhduna marnaba ma dafiri doonto.”

Marka laga yimaado kor u qaadidda wacyiga bulshada ee la xiriira dhiig bixinta, waxaa feersocda helidda keyd bangi oo dhiig lagu dhowraariyo. Balse marka loo eego agaasimaha isbitaalka Banadir, dib u howlgelinta bangiga qaranka ee dhiigga wuxuu soo gaaray heer gabagabo ah.

“Dhismihii waa la taagay; kaliya in la qalabeeyo ayuu sugayaa,” ayay tiri. “Waxaana ku rajaweynnahay inuu kaalin muuqata oo qiimi leh u geli doono umadda Soomaaliyeed.”

Gabagabadii munaasabadda waxaa shahaadooyin sharafeed lagu guddoonsiiyay qaar kamid ah halyeeyadii sida joogtada ah dhiiggooda ugu deeqay bukaannada u baahan kuwaas oo isugu jira lab iyo dhedig.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!