crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Isku-furanka. | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Isku-furanka.

MUQDISHO (HN) — Xanuunka Isku-furanka ama Obstetric Fistula waa mid kamid ah dhaawacyada ugu daran ee soo gaara haweeneyda waqtiga dhalmada. Dalool yar oo u dhaxaysa kaadi-heysta iyo xubinta ay ilmuhu kasoo baxaan ayaana lagu gartaa. Waana 23 May maalinta loo asteeyey si loogu baraarugo.

Waxaa sababa foosha oo ku dheeraata gabadha iyo la’aanta kaalmo caafimaad oo dedgeg ah oo aan lala gaarin goor hore. Waxay haweeneyda ku keentaa furan xagga kaadiheysta ah iyo saxarada ah mararka qaar kaas oo ku hoggaamisa nolol ciriiryoon oo ay uga gaar noqoto bulshada inteeda kale.

Walaaca iyo walaahowga nafsiga ah iyo faqri daaqadaha uga soo dhaca ayuu ku keenaa kol haddii aysan tahli karin inay bulshada kamid noqoto – cabsi iyo faquuq ceebeyn leh oo ay xaggooda kala kulmi karto awgeed.

Laakiin, dhibaatadan, waa mid looga hortagi karo kaalmo caafimaad oo qofka loo fidiyo. Jiritaankeeda oo lagu faquuqo qofkeedana, waa xadgudub muuqda oo wiiqaysa horumarka iyo wada noolaanshiyaha mujtamaca.

Waxayna maanta oo kale ina xusuusinaysa inaan cidna xaq u lahayn inay gaar ugu takoorto dhibanaha qaba xanuunkan haddii la rabo in kobaca dhaqaalaha iyo horumarka joogtada ah ee hiigsiga fog lagu gaaro wadajir iyo howl-wadaag.

Hal-ku-dhegga sannadkan aaya loo qaatay: xuquuqda haweenku waa xuquuqda insaanka! Aynu dhammeyno Isku-furanka hadda.

Aan wadajir iskaga nimaadno si aan u hubsano wax-ku-noolnimada ay haweenka la xanuunsan Isku-furanka ku leeyihiin baraaraha bulshada.

Baaqyadii Beijing iyo Shirkii Caalamiga ahaa ee Dadyowga iyo Horumarka oo labadaba lagu saxiixay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo xadgudubyada jinsiga iyo faya-dhowrka caafimaadka waxay maanta oo kale ifinayaan sida haweenka la xanuunsan Isku-furanka loogu caawin karo inay helaan caafimaad waara.

Sannadkii hore wuxuu asteeyey halgaadyada lagu abaarayo dhammeynta xanunka isku furanka marka la gaaro sannadka 2030-ka, marka loo eego warbixintii ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud ee QM.

Fistulaha waa laga hortagi karaa; sida ugu badan ee looga fogaan karana waa in dib loo dhigaa waqti uurqaadida inanta; iyo idleynta dhaqamada haraadiga ah ee waxyeelaya nolosha gabdhaha sida gudniinka Fircooniga. Waxaa kale oo muhiim ah waqti hore oo daryeel dedgeg ah loo fidiyo gabadhaha kahor inta uusan asiibin.

Nasiib-darro, Firuska Covid-19 oo si weyn u saameeyey heykalladii lagu ilaalin lahaa tayada faya-dhowrka caafimaadka dunida soo koraysa, xanuunka Isku-furanku wali waa mid jira.

Haween iyo gabdho badan ayaa halis ugu jira inuu haleelo madaama adeegyada caafimaadka ay iska yihiin gabaabsi. Waxaa intaas dheer, la-tacaalidii iyo daweyntii loo fidin jiray haweenka la dhiban Isku-furanka waxaa loo jiheeyey in lagu badbaadiyo bukaannada uu soo ridanayo xanuunka Covid-19.

Geesta kale, waxaa la filayaa in 13 milyan oo guurka inamada yaryar uu dhici doono sannadka 2030-ka. Qoysaska ayaana ay u badan tahay inay guuriyaan gabdhahooda si ay isaga yareeyaan culeyska nololeed ee uga imaanaya xagga dhaqaale yaraanta, marka loo eego QM.

Si la iskugu dheelli-tiro xanuunnada meelna looga soo wada jeesto dhammeynta cudurrada aafanaynaya nolosha haweenweynaha dunida, waa muhiim in loo midoobo xal-u-helidooda.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com / zakariya@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!