La kulan – Samata-bixiyaha Bisadaha qaar kasoo dejiya Geedaha dushooda!
Posted by: Zakariya
in Wararka
March 28, 2018
527 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Bisaduhu waxay ku xayirmi karaan dhakada sare ee geedaha mararka qaar, mana jiro qof u taagan inuu soo dejiyo. Balse haddii aad ku nooshahay Baton Rouge, Louisiana, waxaad isku halleyn kartaa Randall Kolb, oo 64-jir howl-gab ah kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay Bisadaha qaar kasoo dejiya geedaha dushooda.
Dhawaqani wuxuu soo gaaray sannadkii 2014-ka laba maalin kaddib markii uu ka fariistay shaqadiisii ahayd culuumta kumbuyuutarka ee Jaamacadda Louisiana State University.
Bisad ayaa ku xayirmatay geed dushiis, waxayna ku qaadatay muddo laba maalmood ah inuu helo qof kasoo dejiya geedka ay fuushay. Markii uu helay, wuxuu fiiro gaar ah u yeeshay sida loo badbaadiyo, wuxuuna go’aansaday inuu barto sida loo fuulo geedaha si mustaqbalka uu usoo dejiyo bisadaha ku xayirma geedaha dushooda.
Wuxuu, si kastaba, taniyo markaas ku jiray soo iibsiga iyo sameysashada tabta iyo xeeladdiisa gaarka ah oo uu ku fuuli karo geedaha, wuxuuna soo badbaadiyay 150 bisado ah.
“Waan soo samata-bixiyaa bisadaha waayo waan jeclahay. Waan necbahay silaca, ma doonayo in bisaduhu u rafaadaan la’aanta qof caawiya,” ayuu Kolb ku qoray mareegtiisa gaarka ah ee CatRescueGuy.com. “Waxaa intaas dheer, waxaan ahay howl-gab, waxaana heli karaa waqti aan ku gargaaro noolaha ila nool. Waa shaqo qiimo leh iyo samafal qurux badan.”
In kasta oo dad badan ay aaminsan yihiin in Bisaduhu dhulka uga soo degaan geedaha ay marka hore iskood u koraan, haddana Randall Kolb wuxuu sheegay inaysan taasi ahayn mid mar walba dhici karta. Halka cidiyahoodu ay ku fiican yihiin fuulitaanka sare, kasoo degashada ama usoo dhaadhicista dhulka hoose ma ahan mid u sahlan. In yar ayaana awoodi karta inay si xirfadeysan uga soo degaan. Inta kale malahan doorasho aan ka ahayn inay ku sugnaadaan dhakada sare – u eegis la’aan jawiga iyo qabowga ay ku jiraan. Waxaana sidoo kale ay maalmo ku nagaadaan geedaha dushooda iyaga oo aan helin cunno ay cunaan.
Isaga oo adeegsanaya agabkiisa fuulitaanka geedaha, 64-jirkani wuxuu tallaabtaasi uga faa’iideeyaa Bisadaha laga yaabo inay ka quustaan inay dib danbe dhulka uga soo degaan. Kahor soo dejintoodu waa inuu si saaxiibtinimo leh ugu soo dhawaadaa; kasbadaa dareenka iyo ogolaanshaha Bisadda uu doonayo inuu samata-bixiyo. Sidaas darteed, shaqada fuulitaanku kaliya ma ahan qeybta ugu adag. Si aad ku hanan karto qalbiga Bisadaha ayaa uga dhigan xeeladda ugu daran howshiisa.
Mar la weydiiyay sababta uu shaqadan halista leh ugu bareeray – halkii uu ku raaxaysan lahaa nasashadiisa – Randall Kolb wuxuu si fudud ku yiri; ‘waayo mid loo baahan yahay.’
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-03-28
You must log in to post a comment.