crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 44 sano kadib, maxaan ku soo kordhinay Qoraalka iyo ku hadalka Af Soomaaliga? | HimiloNetwork

44 sano kadib, maxaan ku soo kordhinay Qoraalka iyo ku hadalka Af Soomaaliga?

Muqdisho (Himilonews) – Af soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii. Waxaa lagu qoray xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961.
Dood dheer kadib waxa soo baxday in uu jiro kala duwanaansho u dhexeeya guddiga oo ku saabsan xarfaha lagu qorayo iyo habka la raacayo iyada oo la soo bandhigay dhigaallo kala duwan.
Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga Afsoomaaliga iyo shaqadii loo dhisay,  waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.
18 nooc oo ah dhigaalka habka loo qorayo farta, oo la doonayey in la qaato ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan.
Guddigii Af Soomaaliga ee shaqaynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay fartii afyaqaan Shire Jaamac Axmed, taas oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag, sida “Iftiinka Aqoonta” iyada oo uu jiray tartan balaaran, oo dhanka xaruufta Carabiga ah, maadama Soomaali ahaan aan Quraanka ku barano Alif iyo B.
Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arimo dhaqaale, qalabkii wadanka yiil iyo siyaalo kale.
Taasi waxa ay ahayd shaqadii ay qabteen aqoon yahankii naga horreeyey iyo xukuumaddii jirtay xilligaas.
Haddaba maxaan maanta qaban karnaa?
Meelaha qaarkood halkii ay ahayd in aan wax ku siyaadino iyo in aan sidaas ku haysano, waxa muuqata in aan ku hadalka, qoraalka iyo adeegsiga farta dhibaato u keenay, waa suurgala in illaalin la’aanta Afkeena ee jirtay muddada dheer ay taas sabab u tahay.
Mustaqbal ayaa aragtay qoraalka farriimaha fogaan hadalka ama taleefanka gacanta la isugu diro.
Dhibaatooyinka haysta farriimahaas waxaa ka mid ah; qaladka qoraalkooda oo isugu jira hakad la’aanta, xarfaha oo qaarkood maqan yihiin, iyo habka hingaadda oo aad u liita.
Haddaba aan isweydiino dadaalkii 44 sano ka hor, ay sameyeen xukuumadihii rayidka iyo ciidanku ee ku saabsanaa Afkeena Soomaaliga, maxaan ku kordhinay?
Guulaha Afsoomaaligu gaaray waxaa ka mid ah, ku hadalka iyo barashada dad aan u dhalan oo u badan aqoon yahano Yurub iyo Mareykan u dhashay, kuwaas oo lagayaabo in ay u barteen si ay u darsaan dhaqanka iyo Afka Soomaalida oo ka mid ah qowmiyadaha ugu caansan bariga Afrika, iyada oo taasna ay sii caawisay kororka dadka iyo fursadaha maalgashiga oo rajo fiican leh
Haddaba warbixinta soosocota ayaa waxa ku jira faahfaahin ku saabsan sida ay aqoon yahanka shisheeye xoogga u saareen barashada afka soomaaliga
Luuqadda Soomaaliga ee maanta ku qoran farta laatiinka (Latin script), waxa ay soo martay doodo iyo isku dayo badan oo muddoo dheer soo jiitamayay, kuwaasoo isugu jiray: Xiliyo ay aqoonyahano Soomaaliyeed baaris ugu jireen nooca farta ugu haboon ee lagu qori karo luuqadda Soomaaliga, tirada guud ee xarfaha uu ka koobnaan karo Af-Soomaaliga, kuwa xarfaha shibane-yaasha ah (Consonants), kuwa shaqalada (Vowels), iyo waliba, su’aasha ugu adkeyd ee mar walba maanka luuqad yahanada Soomaaliyeed ku wareegayay oo aheyd – fartee ugu haboon ee loo dooraa in lagu qoro Af Soomaaliga? Ma laatiin, Carabi, mise isku dhaf Carabi.
Waxaa kale oo ay Af-yahanadii Soomaaliga ahaa (Somali linguists) ee sida weyn isugu howlayay sidii loo heli lahaa far u gaar ah luuqadda Soomaaliga ay muhiimadda saareen, in ay helaan habka  ugu haboon qoritaanka farta Soomaaliga, sida: Sharciyada hingaadda, jiitin dhax-dhigga laba xaraf, sidii loo dhigi lahaa xuruufaha waaweyn meesha ku haboon, kala goynta xarfaha, muhiimad gaar ah u yeelid xarfo gaar ah, iyo calaamadeynta xarfaha qaarkood.
Isku dayga  in Af-Soomaaliga loo helo far ku haboon oo lagu qoro ayaa waxa uu soo socday muddo dheer oo Qarniyaal ah, waxa uu soo billowday Qarnigii 13-aad ee Miilaadiga, waxa uuna soo gaaray dhamaadkii Qarnigii 19-aad.
Dadka hindisihii qoraalka far Soomaaliga sida gaarka ah isaga xilsaaray ayaa waxa ay isugu jireen luuqad yahan, wax kusoo bartay Jaamacado kala gedisan, Culimo iyo wadaado ka tirsanaa dariiqadda Suufiyada oo si adag isugu howlay in xerta ku jirta barashada diintu ay helaan hab ay afkoodu ugu fahmaan laqbaha iyo fasiraadda cilmiga, dhamaantood hadafka kaliya ee ay lahaayeen ayaa ahaa sidii Af Soomaaliga loogu heli lahaa far rasmi ah oo lagu qoro.
Wixii ka horeeyay soo galitaankii gumeystihii muddada dheer hastay dalka Soomaaliya, iyo barashada luuqadahooda ku qoran farta “laatiinka”, luuqadda kaliya ee waqti dheer oo Qarniyaal ah, ay dadka Soomaalida ah qaarkood wax ku qorayeen, kuna baranayeen waxa ay ahayd luuqadda Carabiga.
Sheekh Yuusuf  Axmed Al-kawneyn oo noolaa  678 Hijriya, kuna beegnayd 1300 Miilaadiga ayaa kamid ahaa culimadii ugu horreysay ee isku dayey in afsoomaaliga lagu qoro xarfaha afka Carabiga.
Isku day kasta oo ay sameeyeen wadaado iyo aqoon yahano Soomaaliyeed oo ku kala noolaa Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo la xariiray in luuqadda Soomaaliga lagu qoro farta Carabiga,
Cusmaan Yuusuf Keenadiid, oo ahaa nin gabya, wax qora, ahaana boqor muddo ka talinayey Gobolada Bari iyo Nugaal ama Punt land, ayaa intii u dhaxeysay sanadihii 1920 ilaa 1922-kii , isku howlay sidii uu usoo saari lahaa far u gaar ah Af-Soomaaliga, isaga oo aakhirkii soo bandhigay far ka koobneyd isku jirka xarfo uu kasoo qaatay afka Carabiga iyo Afkii faca weynaa  e Ge’ez language,  oo kamid Afafka ka dabar go’ay dhulka xabashida.
In kasta oo uu boqor Cusmaan dadaalay, haddana farta uu soo bandhigay ee Cusmaaniyadda ayaa waxaa tartankii kaga guuleystay tii laatiinka ku qorneyd ee uu Shire Jaamac Axmed soo bandhigay, iyada oo guddi aqoonyahano ah oo sanaddii 1972-kii loo xilsaaray in ay isbar-bardhigaan dhamaan faraha kala duwan ee ay aqoonyahanada Soomaaliyeed soo bandhigeen, uu qabanayey howsha kala hufidda iyo kala saaridda dhigaaladii kala duwanaa.
1972-kii ayaa qoraalka Afka Soomaaligu billowday, muddo kooban dabadeedna  AfSoomaaligu waxa uu ka baxay in uu ahaado oo keli ah Af lagu hadlo, waxa uu noqday Af lagu hadlo waxna lagu qoro, oo maamulka iyo waxbarashada lagu adeegsado.
Tirada shibane-yaasha iyo kuwa shaqalada  ee af Soomaaliga ayaa ah marka la isu geeyo ayaa 26 xaraf,  Shibaneyaasha ayaa ah 21 xaraf,  B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y,
 Halka shaqaladu ay ka yihiin 5, A, E, I, O, U. 
Halka ay iyana jiraan 5 shaqal oo dhaa-dheer, kuwaasoo ah [AA, EE, II, OO, UU.]
3 xaraf oo farta laatiinka kaalin weyn ka qaata dhanka qoraalka ayaa laga reebay Afka Soomaaliga, waa xarfaha “P, V iyo Z
Sidaas oo kale waxa la qaatay in dhowr xaraf la isu geeyo si ay u sameeyaan dhawaq cusub oo u gaar ah Af Soomaaliga, lagana yaabo in ay la wadaagaan Afafka Oromada iyo Cafartu, xarfha D iyo H, ayaa la isu geeyey si u sameeyaan dhawaqa “Dh”, sidaas oo kalana K iyo H ayaa la isu geeyey si ay u sameeyaan dhawaqa Kh, halka S iyo H, na la isu geeyey si u noqdaan xarafka SH, marka ay wada jiraan.
dhigaalka farta ee la soo bandhigay waxaa kamid ahaa Fartii Xuseen Sheekh Axmed Kaddare oo soo baxday 1952-kii, iyo fartii Boorama oo uu lahaa Cabduraxmaan Sheekh Nuur, oo iyana soo baxday 1933-kii
GUDDIGA AFKA
Mid kamid ah Fadhiyada guddigii Afsoomaaliga
Xubnaha Guddigii Af Soomaaliga ee sanadkii 1972-dii u fadhiistay xalinta Far Soomaaliga oo muddo 18 sano ah, taagnayd waxay ka tageen buugaag lagu xusay suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ama sooyaaalka Soomaaliyeed.
Xubnaha Guddiga Far Soomaaliga waxay ahaayeen
Shariif Saalax Maxamed Cali
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Guddoomiye
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Shire Jaamac Axmed
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Khaliif Suudi
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Mustafe Sheekh Xasan
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Maxamuud Saalax (Ladane)
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Yuusuf Meygaag Samatar
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xog-Haye
Yaasiin Cismaan Kenadiid
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Ibraahim Xaashi Maxamuud
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xubin
Mahadsanidiin
Axmed Ciise Guutaale
Waxsoosarka raadiyaha Mustaqbal
____________________
  • Kasoo shaqeeyey Hay’adaha warbaahineed ee kala ah
  • HornAfrik Radio Station
  • BBC World Service
  • BBC Media Action
  • Ka dhigtay Afsoomaaliga Jaamacadda Hargeysa (UOH)
________________________
Xigashada:
  • Mareegta Somalitalk.com
  • Martin Orwin bare Afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda London, Qaybta SOAS (School of oriental and African studies)
  • Shariif Saalax Maxamed Cali (Guddoomiyihii hore ee Guddiga qoraallada)
_______________________
Xaqdhowrka warbixintan waxaa iska leh Warbaahinta Mustaqbal.
Xigasho: Mustaqbalradio.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!