Qoyska ugu weyn dalka Ingiriiska oo sugaya dhalkooda 19aad

Muqdisho (Himilonews) – Qoyska ugu ballaaran dalka Britain ayaa ku dhawaaqay inay sugayaan dhalashada dhallaankii 19aad. 
Xiiso ku filnaanshaha, Sue Radford, 40, waxay go’aansatay inaanay wax badan sii dhalin kadib dhallaanka shinkiisu idlaanayo. 
Sue iyo seygeeda Noel, oo 45-jir ah, waxay sideed bilood kahor soo dhaweeyeen dhalashada cunuggooda ugu yar, hayeeshe, hadda waxay uurka ku sidaa mid kale. 
Qoyska reer Radford waa mid isku filan. Waxaa foorno ku leeyihiin Morecambe, Lancashire, mana qaataan wax ceyr ah oo lagu siiyo dhalashada joogtada ah ee ubadkooda. 
Dad badan ayaa ka faalooday xaqiiqda ah sida guriga qoyska Radford uu hufnaan iyo bilic fiican yahay–iyo hannaanka daryeel ee carruurta. 
Karen Dowley ayaa ku qoray bartiisa facebook: “Si howlkaran ayuu u shaqeeyaa, waxay ku nageeyaan hab-samida nolosha. Dhallaankooduna aad bay ugu fiican yihiin waxbarashada. Dhibna kuma qabo marxaladdooda! Hanbalyo.” Faalladiisa ayaa heshay 459 likes wax ka yar saddex saacadood. 
Sue and Noel ayaa kalgacal wadaag ahaa taniyo gabannimadoodii. Sue ayaa uurkeedii koobaad qaaday iyada oo jirta 14-sano. 
Carruurtooda waxaa kamid ah: Chris, 25, Sophie, 21, Chloe, 19, Jack, 17, Daniel, 15, Luke, 14, Millie, 13, Katie, 12, James, 11, Ellie, 9, Aimee, 8, Josh, 7, Max, 6, Tilly, 4, Oscar, 3, Casper, 2 iyo sideed bilood-jir Hallie.  Baby Alfie, “oo kan 17-aad ah” wali muusa dhalan.

Isha: Himilonews.com

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!