crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wiil 7-jir ah oo guursaday Eey | HimiloNetwork

Wiil 7-jir ah oo guursaday Eey

Muqdisho (Himilonews) – Wiil yar oo toddoba jir ah ayaa lagu jujuubay meel fagaare ah inuu ku guursado Ey dhedig ah kadib markii qoyskiisu iska dhaadhiciyeen in gabadha koobaad ee uu guursado ka dhiman doonto nasiib xumadiisa. 
Toddoba jirka Mukesh Kerai, oo ku nool degmada Manik Bazaar wuxuu meel fagaare ah ku guursaday Ey kadib saadaal waalidkiisu ku sheegeen inay xilli hore ka dhiman doonto gabadha uu guursado. 
Si looga weecdo saadaasha xun, qoyska ayaa dhedig Ey ku badalay booska gabareed iyaga oo si qurux badan ugu soo qurxiyay iyaga oo uga dhigaya afadiisa koobaad. Sida lagu yiqiin xaflad aroos ayaa looga dheelay goobta. 
Kadib xafladda arooska, Ey waxaa dib loogu daayay duurkii laga keenay kol hore. 
Wiilka awoowgiis, 43-jirka Ashok Kumar Leyangi, wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in guurkani kahor tagi doono nasiib xun oo mustaqbalka kusoo foolma wiilkiisa. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!