Hyderabad (Himilonetwork) – Mohd Sujathullah, oo arday Hindian barta farmakoolojiga ah wuxuu maalin kasta cunno u qeybiyaa danyarta isugu timaada Isbitaallada magaalada Hyderabad, dalka Hindiya.
Sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu si maalinle ah quraac ugu qoondeeyey dad gaaraya 1,000 qofood oo danyar masaakiin ah – kahor inta uusan u fariisan inuu quraacdiisa gaar u cuno.
Wuxuu kaagacaa aroor hore kana tagaa aqalkiisa 7:30 am aroor walba. Wuxuu tagaa Isbitaalka Koti ee hooyada iyo dhallaanka halkaas oo 300 oo masaakiin ah ay ku sugayaan deeqdiisa joogtada u ah si ay ugu quraacdaan.
Iyaga oo ku jira safaf, isaga oo saaxiibadiisa waxay muddo 15 daqiiqo ah ku dhammeeyaan qeybinta quraacda ay ugu soo tala-galeen subaxaas. Kadibna wuxuu usoo ruqaansadaa Isbitaalka Nilofer ee dhallaanka oo ay ku sugayaan tiro kale oo gaaraysa 700 oo danyar ah si uu haddana raashiin ugu qeybiyo.
“Ku dhawaad 90% dadka halka adeegga caafimaad usoo raadsada xarumaha dowladda waa danyar aan heli karin aas’aasiga nolosha. Waxaana doonay inaan siiyo cunno aan lacag ugu fadhin si ay subax fiican ugu soo waabariistaan,” ayuu yiri Sujatullah.
Muddo badan kadib, samafalkani wuxuu qeyb ka noqday howl-maalmeedkiisa joogtada ah. Wuxuu usoo jiheystaa xilli walba – u eegis la’aan xaaladda lagu jiro cimilo ahaan.
Sujathullah – oo aabihiis uu macalin howl-gab ah noqday – wuxuu kusoo koray nolol iska adag. Wuxuu kulliyadda caafimaadka ka dhigtay culuumta daawada. Balse mar uu lahaa imtixaan, wuxuu ku nadray inuu 10 qofood quudin doono haddii uu ka gudbo imtixaanka.
Markii uu ku baasay imtixaanka, Sujathullah wuxuu bilaabay oofinta ballankii uu qaaday. Kolkii uu gaaray Secunderabad oo ah boosteejada tareennada, wuxuu fahmay micnaha dhabta ahi oo dadka masaakiinta ah ay uga dhigan tahay cuntada.
“Qaar waxaa jiray isku kay nabayay; kuwa igu eegayay fiiro naxdin leh; runtii waxaan dareemay waxa ay gaajadu tahay,” ayuu yiri Sujathullah.
Wuxuu markaas kaddib kusoo laabmay gurigiisa – isaga oo qoyskiisa ka dhaadhiciyay in mushaharkiisa hal bil oo dhan uu ku bixinayo cunno u qeybinta dadka masaakiinta ah. Jeedaalinta hanka iyo go’aanka adag oo wiilkoodu ku dhiirraday, qoyska oo dhami waxay ku garab istaageen inay cunnada la qeybiyaan; lana wadaagaan qoondada – halkaas oo dad gaaraya 150 qof toddobaadkii afar jeer cunno loogu tala-galayo.
“Dadka raaxada ku jira aad uma fahmi karaan xanuunka ay ku jiraan kuwa gaajaysan. Inaan qeyb ka siinno waxa aan cuneyno waxay kaga filan tahay ugu yaraan inaysan halis u galin dhimasho,” ayuu yiri Sujathullah.
Hadda adduun dhan Rs 3,500 oo qoondadiisa maalmeed kamid ah, waxay ku filan tahay inay quudiso dad gaaraya 700-1,000 oo jidadka iyo gidaarrada ku sugan. Sidoo kale wuxuu bixiyaa adeegyo kale oo daruuri ah sida geynta biyo nadiif ah goobaha aysan danyartu ku heli karin iyo siinta jaakado ay dhaxanta kaga ganbadaan xilliyada qabowga.
Sannadkii 2016-ka, wuxuu dhisay Urur lagu magaabo Humanity First Foundation Hyderabad oo ah mashruuc uu ku dhinac wado qeybinta cunnooyinka.
Tallaabada ugu muhiimsan oo laga xusi karo wax-qabadka Ururkan ayaana ah soo nooleynta rajada iyo nolosha dadka ku sugan hoy la’aanta oo ay u fidiyeen kaalmooyin dhowr ah.
Helidda kaalmada deeq-bixiyaasha iyo samafalayaasha, wuxuu adeeg caafimaad u fidiyaa dadkan liita oo aan heli karin adduun ay isku dabiibaan. Wuxuu booqdaa xarumo dhow ah oo ay kamid tahay xarun lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah.
Dadaalkiisu wuxuu u muuqdaa mid kasoo go’ay qalbiga – kaas oo aad u saameeyey quluubta kale. Mana u muuqdo mid ka joogsanaya samafalkan hadda iyo mustaqbalkaba.
You must log in to post a comment.