La kulan – Maalqabeenka – Xilliga Nasashadiisa – Qashinka ka ururiya Jidadka.
Posted by: Himilo
in Wararka
September 1, 2018
432 Views
Beijing (Himilonetwork) – Zhong Congrong, oo ah maal-qabeen ganacsade ah oo ku nool magaalada Chongqing ee dalka China waxaa loo yaqaan malyaneerka qashinka ururiya ‘the millionaire trash collector,’ maadaama uu muddo badan caado ka dhigtay inuu qashinka ka ururiyo jidadka magaalada.
52-jirkan maalqabeenka ah ayaa shaqadan ka bilaabay saddex sano kahor magaalada Chingqing kaddib fasax dalxiis oo uu ku joogay gobalka Hainan ee Shiinaha. Halkaas wuxuu kula kulmay borofasoor howl-gab ah taas oo lasoo weriyay inay maalin walba xeebta ka gurbin jirtay qashinka muddo afar sano ah.
Wuxuu aad ula dhacay falkan borofasooradda – isaga oo is tusay inuu sideeda oo kale isku xil-qaamo ururinta qashinka kana dhigto dhaqan maalinle ah.
Markii uu bilaabayay dhaqankiisan wuxuu la kulmay aragti kala duwan oo u badan kuwo sirgaxan – saxaafadda iyo dadweynaha labadaba. Qofna mafahmi karin sida maalqabeen ku fadhiya adduun lacageed uu gacmihiisa ugu gurbin karo qashinka yaalla waddooyinka. Balse Zhong taasi kama horjoogsan inuu dhaqankan sii joogteeyo.
Xittaa qoyskiisa ayaan fahmin sababtiisa gaarka ah markii hore. Xubnaha qoyskiisa ayaa qaarkood iska diiday inay is dhinac taagaan – xilliga uu shaqadan ku guda-jiro. Balse dhowr bilood kaddib, dadka xaafadda ayaa ka mahdiyay dadaalkiisa maadaama ay arkeen bilicda iyo quruxda kusoo korortay degaankooda.
Waxaana taasi keentay inuu helo taageerayaal la dhinac shaqeeya mararka qaar. Afadiisa hadda waa u ol’oleeye nadaafadeed oo xagga degaanka ah, waxaana aalaaba la arkaa iyada oo ku qeylinaysa qof walba oo qashinka ku tuura waddooyinka.
“Inaan qashinka ku tuurno jidadka ama aan ka qaadno wax xiriir ah lama lahan heerka aqoonteenna, hida-dhaqankeenna, heerka dhaqan-dhaqaalaheenna, da’deenna iyo wixii la halmaala,” ayuu Zhong u sheegay warbaahinta Shiinaha.
Falkiisu wuxuu soo socdaa muddo isaga oo kaliya ku doonaya inuu tusaale u dhigo inta kale. Wuxuu xirtaa funaanad lagu dhigay ereyo diidaya in qashinka lagu tuuro waddooyinka. Wuxuu sidoo kale ganaax dul dhigaa shaqaalihiisa haddii ay qashin ku tuuraan goobta shaqada.
Si kastaba, wuxuu ogsoon yahay inuu juhdi badan loo baahan yahay si is-beddel fiican loo arko.
“Shiinaha wuxuu u baahan yahay xeer adag oo dhanka bilicda ah,” ayuu yiri Zhong. “Ku tiirsanaanta is-xaal-qaan qofeed naguma filna. Dadka Shiineesku waxay ka baqaan inay lumiyaan sumcadooda. Dan kama galaan sida loo ganaaxo.”
Zhong Congrong laga yaabee inuu kaliya ku yahay halgankiisa. Hayeeshe dadaalkiisu wuxuu dhiiri-gelin u noqonayaa malaayiin Shiinees ah.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-09-01
You must log in to post a comment.