MUQDISHO (HN) — Dhaqtar indhaha daweynta ku gaaroobay oo ku nool dalka Nepal, waa halyey geyfane ah. Wuxuu howl uu keli ku ahaa ugu guuleystay inuu aragga indhaha dib ugu soo celiyo dadka lagu qiyaasay 100,000 oo qof kuwaas oo ku kala nool laba qaaradood. Waana shaqo midkood kamid ah dadkaas uu ugu fuliyay shan daqiiqo.
La kulan dhaqtar Sanduk Ruit.
Marka loo eego hey’adda WHO, 90% dadka aragga la’ waxay ku nool yihiin nolol hooseysa – 80% dadkaasna waxay la dhiban yihiin xanuunno sahal lagu daweyn karo. Laakiin saboolnimada baahsan oo ay ku jiraan gaari waaga goobaha caafimadka, waxay ku qasabtaa inay ku noolaadaan indha la’aanta.
Aqoonsashada in dadka aragga la’ ee haddana saboolka ah ay u qalmaan nolol iyo fursado lamid ah kuwa ladan, Sanduk Ruit wuxuu noloshiisa u hibeeyey inuu wax u qabto. Wuxuuna hal-abuuray ol’ole mar qura sahlaya in dad badan indhaha loogu fiiqo.
In kooban ayuu bukaanno badan ugu qabtaa indha-fiiqidda isaga oo adeegsanaya tiknoolojiyadda casriga ah. Wuxuu leeyahay isbitaal ku yaalla caasimadda Kathmandu ee Nepal kaas oo la dhisay sannadkii 1994-kii. Laakiin inta badan, marka ay timaado samafalka, Ruit wuxuu socdaal indha-fiiqid ah u galaa safar isaga oo dal ka dal isaga kala gooshaya ama ugu tagaya dadka la dhiban arag la’aanta dhulalka fogfog ee miyiga.
Hadda oo uu lixdan jir yahayna, wuxuu rumeysan yahay in Faanoole aysan fari ka qodneyn.
You must log in to post a comment.