crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Danbiilaha ugu Danbiyada badan Dalka Britain. | HimiloNetwork

La kulan – Danbiilaha ugu Danbiyada badan Dalka Britain.

London (Himilonetwork) – 62-jirka lagu magacaabo Patrick Ryan wuxuu taniyo markii uu 14 jirsaday gal-bax ku ahaa xabsiga muddo 23 sannadood ah ilaa uu 50 jirsaday. Waxaana dhawaan haddana lagu riday xukun 18 bilood xabsi ah maadaama uu galay danbigii 668aad ee noloshiisa.
Rikoorka danbiyada Ryan ayaa ah mid aad u badan oo xittaa booliska Accrington, Lancashire ay ku adkaatay inay ku daabacaan ardaaga hore ee sal-dhigooda maadaama uu ka qaadanayo waraaqo badan. Waxaa la xukumay 469 jeer oo uu ku mutaystay danbiyo gaaraya 668.
Waxaa loo tix-geliyaa inuu yahay ninka ugu danbiyada badan dalka Britain. Nasiib-darro, isaga oo hadda jira 62 sano, uma muuqdo mid ka qoomameynaya danbiyadiisa, mana u eka mid ka joogsanaya.
24-kii Bishii April ayay ahayd markii uu galay danbigiisii ugu danbeeyey kaddib markii uu ku dhex kaadiyay gaari bas ah. Markii mid kamid ah haweeney saarneyd gaariga ay isku dayday inay la hadashana, wuxuu ka xantuuriyay labada naasood.
Hadda maxkamadda waxay isku dayaysaa inay bal hubsato badqabka caafimaad ee maskaxdiisa si loo ogaado haddii dhimirkiisu wada joogo iyo in kale.
Garsooraha maxkmadda ayaa sheegay inuusan waligiis arkin gal-dacwadeed lamid ah midka Ryan oo rikoor ku heysta danbiyada ugu badan dalka Britain.
War-fidiyeenka ayaa aad u hadal hayay sheekada ninkan afartii sano ee lasoo dhaafay. Balse cajiibka jira wuxuu yahay in mar allaale markii uu kasoo baxo jeelka uu galo danbi si rikoorkiisu usii kordho.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!