crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiinaha – Qoyskii 11 Gabdhood isku dhalay iyaga oo rajaynaya Wiil. | HimiloNetwork

Shiinaha – Qoyskii 11 Gabdhood isku dhalay iyaga oo rajaynaya Wiil.

Muqdisho (Himilonetwork) – Sheekada lammaane ku nool gobalka Shanxi ee dalka Shiinaha kuwaas oo isku dhalay 11 gabdhood kaddibna joojiyay dhalmada markii ay ku gabagabeeyeen wiil ayaa dhawaan ku baahday baraha bulshada Shiinaha – taas oo lagu kala duwanaaday aragtideeda.
Asalka sheekadan oo lagu daabacay wargeyska The Paper ayaa iftiimisay garab istaaga ay gabdhahani ka muujiyeen xafladdii arooska walaalkooda qura ee la dhashay. Gabdhahani kaliya kama qeyb qaadan qaban-qaabada arooska walaalkood, waxay sidoo kale suura-galiyeen inay u dhisaan hoy uu ku noolaado. Waayo labadiisa waalid waxay noqdeen da’ la nool jirro.
Si kastaba, tani waxay soo jiidatay indhaha dadka Shiinaha taas oo sidoo kale su’aalo laga keenay Siyaasadda Hal Dhal ee dalkaas ka hir-gashay.
Sida lasoo ogaaday, labada waalid ee dhalay 12-kan carruur, maysan qorsheynin inay tiro intaas la’eg isku dhalaan, balse waxay waligood dooni jireen inay wiil isku dhalaan. Mana joojin ilaa ay ka dhaleen  wiilkooda Gao Haozhen.
Hooyadood ayaa dhalmada ku bilowday da’da 20-jirka. Waxayna sii waday 27 sano ilaa ay ka dhasho wiilkeeda ugu yar carruurta.
Sheekadooda oo dood adag ka dhex dhalisay bulshada ayaa keensatay in curadda reerka oo lagu magacaabo Gao Yu ay wargeyska kala hadasho sida sheekadani kusoo if baxday.
Xeerkii waagaas oo dhigayay in la dhalo wax ka badan hal cunug ayaa sababtay in iyada mooyee inta kale aysan helin tacliinta aas’aasiga ah ee dugsiyada dowladda. Balse geesta kale, labada waalid ayaa ganaax walba oo arrintan kala soo gudboonaaday dusha u ritay ilaa iyo inta ay ka sugayeen maalinta walaalkooda ugu yar uu noloshooda kusoo biirayo. Taas ayaa keentay in hal gabar oo kaliya ka bixiyaan lacagta wax-barashada.
Wayna isku dayi jireen dhalmo kasta dabadeed inay tijaabiyaan cunuga xiga haddii uu noqon doono wiilka ay rabeen.
Gabdhahan ayaa arooska walaalkood iska soo ururiyay adduun dhan 230,00 yuan ($34,000). Sirta ku jirta deeqsimadooda ayuu ku sheegay walaalkood jaceyl xad-dhaaf oo ay u qabaan taniyo yaraantiisa – markaas oo ay dhar inay isku soo iibiyaan ka jeclaan jireen inay isaga usoo iibiyaan mar walba.
Arrintan ayaa in kasta oo aragtiyo kala duwan laga bixiyay waxay haddana dhinaca kale ka muujisay jaceylka xad-dhaafka ah ee waalidkani u qabeen wiilkooda iyo midka gabdhuhu u muujiyeen walaalkooda ka yar.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!