MUQDISHO (HN) — Haweeney joogto gudaha Xaramka barakaysan ee Makka ayay fooshu ku qabatay ardaaga weyn ee Kabcadda.
Hooyadan oo kasoo jeeda dalka Suudaan oo aan magaceeda la sheegin, waxay xanuun ka dareemeysay mindhicirrada iyo saabaleyda hoose – iyada oo dhinac ka jooga ardaayada waaweyn ee Kacbada, sida ay kusoo warrantay Saudi Gazette.
Madaxa Bisha Cas – qeybteeda Makka, Dr. Mustafa Baljoun ayaa sheegay in kooxda caafimaadku ay durba aqoonsadeen xaaladda adag oo ay haweeneydani ku sugneyd weliba ilmuhu ay kasoo dhawaayeen. Waxaana looga dhaliyay gudaha Xaramka kahor inta aan loo wareejin isbitaalka Ajyad General Hospital.
Hooyada iyo cunugeeda ayuu sheegay inay hadda ku sugan yihiin xaalad wanaagsan.
Wuxuu dadweynaha ka codsaday inay degdeg ula soo xiriiraan nambaradda bixiya gurmadka degdegga ah marka ay soo wajajdo xaalado adag si loogu soo diro ambalaas iyo wixii la halmaala.
You must log in to post a comment.