crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Seyladda Xoolaha ee Hargeysa. | HimiloNetwork

Gudaha Seyladda Xoolaha ee Hargeysa.

MUQDISHO (HN) — Jugta geela lagama kaco. Waxa ku dhacaya geeljirahanina waxay u dhigantaa 10 nin feerkooda oo la isku geeyey.

Haraatida geelu waa jaad kamid ah hababka uu ku aarguto. Marka laga yimaado qaniinyada iyo durdurada, haraantidu waa tan ugu sahlan aalaaba oo uu ku halgaado geeljiraha.

Balse inta aanan kula wadaagin sababta haraatidu ku timid aan wax kaaga sheego seylada xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa.

Waa maalin shaqo. Seyladda xooluhuna waxaa tuban tirooyin ari ah iyo dabcan Kadin geela oo u diyaara in loo iibgeeyo gudaha dalka iyo dabcan dibaddiisa. Waxaa loogu yeeraa markabka saxaraha. Waxaana loo gaasa-bixiyaa sida badan in laga dheefsado hilibkiisa iyo caanihiisa. Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaaliland-na waa mid kamid ah dalalka ugu horreeya dhoofinta geela.

Dadka aad ujeeddaaanna waxay isugu jiraan dalaaley iyo geeley ku mashquulan inay iska dhaadhiciyaan qiimaha ugu maangalsan oo wax ku kala iibsan karaan. Suuqanina toddobaad walba waxaa lagu kala iibsadaa kumaankun xoola ah. Waxaana xooggooda loo iib-geeyaa dalalka bariga dhexe oo dhan.

Cajiibka ka jira seyladdana, si lamid ah seyladaha kale, waa in hab qarsoodi ah oo fara-la-duugay ah wax lagu kala gato. Waxaana qiimaha la iskugu sheegaa tilmaam iyo astaamo gaar ah. Gorgorintuna waxay markaas ka soconaysaa is gacan-qaad hoose oo lagu qariyay cimaamad.

Qiimaha halkii neef oo geela wuxuu goyn karaa lacag dhan kun-doolar iyo ka badan. Wax ka badan lacag ayuuse ka gooyaa nolosha Soomaalida. Suuqlahani wuxuu tilmaamayaa faa’iidooyinka gaarka ah oo geela kaga soocan yahay noolaha kale ee la dhaqdo. Baruurta, jiirta, dhuuxa, caanaha iyo wixii la halmaala ayuu sheegayaa inay xoogga ragga yihiin oo aanu la’aantood taabba-geli Karin.

Marka loo eego geeleydana, cunista hilibkiisu waxay qofka ka yeeshaa mid dhiirran; una caaboon gogosha iyo galmada; jir ahaanna adag.

Geelu laga yaabee inuu mugga hore kuula muuqdo mid la tunjilicsan karo. Laakiin xaqiiqdu sidaas ma ahan. Wuxuu leeyahay dabeecad qalafsan. Inaad hal geel ku hubsato gaariga dushiisa waxay kugu qaadanaysa nafhurnimo. Haraatidiisa oo kaliya waxay cuuryaamisa geeljireyaal badan oo damcay inay muquuniyaan. Waa halka cadowtooyada iyo dhiilada ka dhaxeysa geela iyo geeljiraha ay intaba ka bilaabato.

Waxay qaadanaysa saddex qof iyo ka badan in hal neef oo geela la saaro gaariga. Mararka qaar waxaa dhacda inayba ku dhaawacmaan inta daabulka lagu guda-jiro. Waayo celcelis dhan 10-daqiiqo ayay qaadataa in halkii geelba gaariga xamuulka ah lagu hubsado.  Inta daabulkooda socdo, waa macquul in geelu ka dhiidhiyo sida loola dhaqmayo oo ku dhisan hab muquuno ah. Laakiin kuma degdego aargudashada.

Inta aysan gaariga bartilmeedkooda Sucuudiga oo ah halka loo daabulayo, waxaa ku jirta fursad geelu kaga ciilbixi karo midkii soo xumeeyey. Waxaana la keenaa halkan oo ah Berbera oo ah dekadda qura ee Somaliland. Haraadiga maraakiib-la-mood doomo waaweyn ah oo siyaalo kala duwan ugu cila-doobay dekadda ayaa muujinaya sida ay weli ugu baahan tahay howl weyn oo laga qabto.

Laakiin waa mid ugu yaraan ku filan in laga dhoofiyo xoolaha nool. Markan oo kalana waa ammin ari iyo ishkinba ay hor tubmaan dekadda si loogu xereeyo markabka taagan.

Sida Maroodiguna, geelu waxba ma hilmaamo. Kuwii sida xun usoo qalqaaliyayna, waxay ku sagootiyaan hal haraati oo kulul taas oo diraysa farriin ah iska jir kuwa iga dambeeya.

Laakiin in kale waxay koraan markabka iyaga oo aan awoodi Karin inay aargutaan.

Gebi ahaanba dhulka ayaa lala simay 30 sannadood kahor. Si aayar-aayar ahna ayay usoo kabanaysa Hargeysa iyada oo weliba wax kaalmo dibadeed ah aan lagu dhisin. Wax badan ayaase uga sokeeya gaaridda figta sare. Mid ayaana hubaal ah. Guusha Hargeysa waa sheekada guusha Soomaali oo dhan.

Qore; Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!