crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ghana – Gudaha Masjidka dhisan 700 oo sannadood! | HimiloNetwork

Ghana – Gudaha Masjidka dhisan 700 oo sannadood!

ACCRA (Himilonetwork) – Masjidka Larabanga oo ku yaalla waqooyiga dalka Ghana, waxaa dhisay injineerro Suudaanees ah, waana Masjidka ugu da’da weyn gudaha Ghana iyo dhammaan Galbeedka Afrika.
Waxaana lagu naaneysaa Masjidkii Makka ee Galbeedka Afrika ‘Makkah of West Africa.’
Wuxuu qaab ahaan u dhisan yahay qaababka dhismayaashii hore. Qaabka loo dhisay iyo qalab dhaqameedka loo adeegsaday dhismihiisa awgeed, gudaha Masjidkani waa mid aan u qabow badan. Halkaas oo cimilada ka jirta degaankaas ay tahay mid kulul.
Waxaa la sheegaa in helihii Masjidkan, Ibrahim Ayuba al-Ansari, uu ku dhex aasan yahay gudhiisa. Dadka degaanka ayaa sheegaya in al-Ansari uu kasoo jeedo qabiilka Banu al-Najjar, oo ah midkii ay kasoo jeeday hooyadii Suubanaha NNKH, Aamina bin Abdullahi.
Sannad kasta dadka degaanka ayaa isku soo baxa inay naashnaashaan masjidka oo u dhisan sidii loo dhisay qarniyo kahor.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!