MUQDISHO (HN) — Rumeyso ama diid. Kawaanlenimadu waa shaqo aalaaba lala xiriiriyo ragga. Balse qofka aad ujeedaan ma ahan nin. Waa gabar. Magaceeduna waa Layla Ibrahim Cusmaan.
Ma ahan sannad iyo laba sannadood inta ay halkan ka shaqeyso. Waa in ka badan 10 sanno.
Marka ugu horreysa oo aad aragto, way adag tahay inaad rumeysato inay tahay qof dumar ah. Waayo waxay xirataa aalaaba dhar lamid ah kuwa ragga kala dhinac shaqeeya kawaanka.
Waxay sheegtay in macalinkeeda oo la yiraahdo Biyacab uu baray sida loo jarjaro hilibka.
Iyada ahaan, ma aaminsana in shaqadani ay tahay mid kaliya gaar u ah ragga. Waxayse hoosta ka xariiqday inay xiriir walaalnimo oo qoto dheer la yeelatay xoogsatada kala tirsan kawaanka.
Layla waa jaadka dumarka qaar ee la-dhaqanka ragga awgeed loogu yeero Wiilo. Laakiin marka aad si dhow ugu fiirsato sida ay xeesha dheer oo ay shaqadan u fahamtay, waxaad ogaaneysa in shaqooyin badan oo ragga un looga haray ay haweenkeennu qaban karaan.
Waa fariid; waxayna muujisaa anshi furnaan iyo bashaashnimo marwalba oo ay la hadlayso inan rageedka ku hareersan. Tani waxay qaadaan-waa ku noqotaa booqde walba oo mar arageeda loogu sheego inay tahay qof dumar ah. Waxayna sidayda oo kale ku qaadataa in cabbaar ah inuu durbaba aamino.
Hayeeshe, xaqiiqdu waxay tahay Leyla uma baahna in dumar ahaan loo aqoonsado. Waayo si lamid ah kawaanleyda kale ayay si firfircoon u qabsataa shaqadeeda.
Lama kulmi wax faquuq ah sida ay sheegtay. Diyaarna uma ahan inay isaga harto shaqadan. In kasta oo weli aysan sida ay tiri guursan, haddana masiirka shaqadeedu wuxuu ku tiirsanaan doonaa nolosha lammaanaheeda.
Haweenku waa xoog aysan wax-magaratadu qiimeynin sida uu yiri MSBarre. Waana dhab oo dumarka Soomaaliyeed waa kuwo diyaar u ah inay buuxiyaan hadba inta karaankooda kaalmaha bannaan kaabayaasha dhaqandhaqaale ee dalka.


You must log in to post a comment.