Fahamka Bulshada ee Shaqada Taraafikada.
Posted by: Himilo
in Wararka
September 9, 2018
689 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Booliska Taraafikada waxay bixiyaan adeeg qiimo leh oo ay u hayaan bulshadeenna iyaga oo hagaya waddooyinka magaalooyinka iyo fulinta sharciyada wadista gaadiidka sida; hagaajinta sharciyada baabuurta, booliiska taraafikadu waxay leeyihiin awood ay ku qori karaan, ku qaban karaan oo ku xiri karaan muwaadiniinta lagu tuhunsan yahay inay jebiyaan sharciga.
Taariikhda inta lagu hayo booliiska Taraafikada waxa ay soo bilaabatay goor laga joogo ku dhawaad laba qarni, saxmada iyo buuqa ka jira waddooyinka lama xalin kari laheyn iyada oo aan loo helin sharci iyo awoodo ka shaqeeya sida loo xakameeyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.
Qarnigii 18aad ayay ahayd markii la sameeyey tijaabadii u horreysay in qof uu ilaaliyo wadada kadib markii duqii London uu sheegay in loo baahan yahay booliis kala haga waddooyinka si loo yareeyo shilalka ka dhaca waqtigaas magaalada London.
Wixii ka dambeeyay intaas waxa isa soo tarayey horumarrada laga gaarayo howlaha taraafikada iyo in lasii garto inay muhiim tahay shaqadooda. Shaqada ugu badan hadda caalamka waxaa qabto astaamo loogu tala-galay in lagu hago dadka iyo gawaarida, intaas oo kaliya kuma eka howlaha taraafikada oo mararka qaar waxa ay qabtaan waajibaad kala dhaxeeya booliiska qeybahiisa kale.
Heerka asaasiga ah, booliiska taraafikada waxaa loo xil saaray fulinta shuruucda waddada sida; xakamaynta xawaaraha gawaarida, hab dhaqanka wadista baabuurta, baaritaanka shatiga iyo diiwaan-gelinta gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale xakameyn karaan baaritaanka shilalka, xatooyada gawaarida iyo kahor-tagga iyo faahfaahinta amniga ee dowladda iyo shaqsiyaadka caanka ah iyo caawimaadda baarista dambiyada.
Sida qeybaha kale ee booliiska ayuu ugu baahan yahy inuu xaadiro xarun tababar, waxaana saaran shaqsiga Taraafikada ka tirsan karti iyo foogjignaan dheeraad ah. Qofka noqonaya waxa laga eegayaa inu taam yahay maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba.
Inuu helo mushaar dhameystiran iyo in uusan noqon mid ku daala wadada, waxa ay caawineysaa ka hortaga falalka lidiga ku ah ammaanka, waxa ayna ciidamada nabad-galyada u sahleysaa ka war-qabka baabuurta aan sharciga aheyn ama qaldan. Bulsho ahaan waxa ay kamid tahay sugnaanta iyo in laga hortago dhicista shilal is-daba-joog ah.
Hadaba intee ayuu la’eg yahay fahamka bulshadu ka haysato howsha taraafikada: qaran jabkii ka dambeeyey 1991-kii waxaa dhacay wax saameeyey dhammaan qeybaha nolosha, si gaar ah haddii aad u fiiriso waxaad dareemeysaa in badi bulshada ixtiraamin kuna dhaqmin waajibaadka waddooyinka sababo badan haba ugu horreyso aqoon-darrida ka jirta dhankaas oo bulshada ku dhawaad rubuc qarni ay ahaayeen kuwa aan sharci iyo kala dambeyn laheyn.
Waxaa kale oo loo sababeeyaa inaysan helin mushahar iyo tababarro ku filan dadka si saani ah ugu shaqeeya. Sida ay doonto ha noqoto, bilowga fiican oo aan hadda heysano waxa uu noo horseedi karaa baraarug wax fiican ka qaban kara dhibaatooyinka waddo marista ee dalka ka jirta.
Marka aad ku socdaalayso waddooyinka kala duwan, waxaad la kulmeysa wadayaal badan oo aan u hoggaansameyn shuruucda waddada hadii uu joogo booliiska taraafiikada ah iyo hadii uusan jooginba. Iinaha kale oo loo tiiriyo waxaa kamid ah in wadayaasha gaarida aysan aheyn kuwa hela tababar kaga filan aqoonta waddo marista iyo nooca gaadiidka ay wadaan.
Waxa ay kasii dartay markii ay yimaadeen gaadiidka yar ar oo loo yaqaan Bajaajta kuwaa oo dhalinta si kas la’aan ah mararka ugu kaxeeyaan waddooyinka magaalada taasi oo sababta shilal joogta ah iyo xakameyn la’aan ka jirta jaamka ka dhasha maqnaanshaha booliiskii ku shaqada leh.
Ugu dambeyn, helista boolis taraafik u tababaran waxa uu yareyn karaa saxmadda maalinlaha ee ka jirta waddooyinka qaar, in la waayo shilal joogta ah – iyada oo taas loo marayo raacista shuruucda waddooyinka, qaadashada leysanka, helista iyo ka war-qabka ammaanka dalka, horumarinta darawaliinta wada gaadiidka.
Inaad xushmeyso qofka kuu haya howsha noocaas waxa ay keeneysaa hagaagsanaanta iyo bad qabka naftaada, hantidaada iyo guud ahaan bulshada.
Qore: Fardowsa Sheik Abdirahman.
Kala xiriir: farriin-danabeed; lamiis2239@gmail.com
Related
2018-09-09
You must log in to post a comment.