crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masaajiddeenna iyo sida ay qeyb uga qaataan Wasaqeynta Degaanka! | HimiloNetwork

Masaajiddeenna iyo sida ay qeyb uga qaataan Wasaqeynta Degaanka!

WARDHIIGLEY (HN) — Iyada oo dhawaan laga soo jeestay gudashada acmaasha Soonka ee bisha Ramadaan ayaa haddana waxaa jira tallaabooyin muuqda oo samafal ah kuwaas oo laga sameeyey goobaha lagu cibaadeysto iyo kulantiyada kale.


Afurka oo ah dhacdada maalinlaha ah oo inta lagu jiro bisha la sameeyo waxaa si weyn loogu haliilay in qofna aan looga tagin kelinimo iyo inuu waayo wax uu ku afuro.

Masaajiddu waxay runtii samafalkaas ku lahaayeen kaalin dahabi ah. Dhowr masaajid oo waxaa jiray goobo afurin ah looga sameeyey dadka danyarta ah oo aan awoodi karin inay helaan hunguri ay dhuunta mariyaan.

Cabitaannada biyaha ee ku jira caagadaha yaryar iyo timirtu waxay ahaayeen dhextaal joogto ah oo Maqrib walba lasoo dhoobi jiray afaafka hore ee masaajidda. Shirkadaha iibiya cabitaannadan waxay laf ahaantooda ku dadaaleen in dalabkaas maalinlaha uga imaanaya goobaha cibaadada aanu hakad iyo kala go’ ku imaan.

Balse waa in yar afurka maalin walba marka la arki jiray boqollaal caagado balaastik ah oo biyo lagu cabay kaddibna jidadka la iskaga tuuray.

In kasta oo aan la heynin tira-koob sugan oo lagu sameeyey tirada inta litir oo bishii Ramadan oo dhan cabitaan ahaan loogu qeybiyay Masaajidda, haddana caagadaha jidadka dhooban waxay ka marqaati kici karaan inaanay yareyn.

Halka samafalkani uu hadiyo jeer muhiimad weyn u lahaa acmaasha ajarka leh oo bisha Ramadaan aad loogu dadaalo, haddana wuxuu runtii su’aal gelinayaa badqabka iyo faya-dhowrsanaanta degaanka aan ku dul nool nahay.

Balaastikadu waxay ugu danbeyntii dalkeenna ka noqotay sheyga ugu weyn oo ilbiriqsi walba nolosheenna lagu isticmaalo. Mana ahan mas’aladu mid la xiriirta isticmaalka. Mushkiladdu hadiyo jeer waxay ku wareegsaneysaa suura-gelin la’aanta maareynta iyo yareynta adeegsiga balaastikada.

Balse ma ahan Soomaaliya oo qura meesha arrintani ka taagan tahay. Dunida oo dhan isticmaalka balaastikadu wuxuu ka joogaa meel sare. Waxaase la isku dhaafay hababka ugu fudud ee lagu maareyn karo halista ka imaan karta haddii aan laga taxadarin.

Si kastaba, sannadkii dhammaaday Masjid ku yaalla magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa qaaday tallaab uu gebi ahaanba ku horjoogsanayo in la isticmaalo caagadaha ‘qajaclayaasha ah’ ee balaastikada ka sameysan. Taas beddelkeeda, waxay dhiirri-gelinayaan in Jamaacada Masjidku ay soo qaataan caagado kale oo dib-u-adeegsi geli kara oo sida qajaclayaasha aan ku sinneyn in mar qura la isticmaalo kaddibna la iska xooro.

Masjidka ayaa ku guuleystay in qof walba oo Jamaacadiisa kamid ah uu ka dhaadhiciyo halista ku jirta isticmaalka indha la’aanta ah ee bacda balaastikada iyo natiijada ka ratibmi karta haddii aan laga digtoonaanin.

Qof walba oo Jamaacada ku jira wuxuu soo qaatay caagado sida tarmuuska u sameysan kuwaas oo ay ugu jiraan biyo qabow ama shaahi ay ku afuraan. Waxaa marka qof walba u sahlan inuu bisha Ramadaan oo dhan iyo xittaa wixii ka danbeeya uu ku ekaado hal caag oo qura inuu u isticmaalo biyaha iyo cabitaannada uu cabayo.

Fikradda waxaa markii hore soo hindisay 21 jir lagu magacaabo Zainab Hamid taas oo u dulqaadan weyday in degaanka lagu caburiyo tiro xad-dhaaf ah oo balaastik ah.


Faahfaahin dheeri ah halkan kaga boqo.
https://www.cbc.ca/news/canada/toronto/mosque-plastic-bottle-ban-1.5152210


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!