MUQDISHO (HN) — Bisha Soonqaad waxay dad badan u tahay bishii Soonka, sadaqada iyo sameynta acmaasha wanwanaagsan oo idil. Dad badan waxay uga dhigan tahay midda kaliya oo ay sugaalkeeda iyo ka fara-qabsiga ajarkeeda lagu fara-adeygo. Waana midda ka dhigaysa tan loogu tirsi iyo majeersi badan yahay billaha kale ee Muslimiinta.
Bisha Carafo oo ah bil kale oo Muslimiinta dunida ku nool looga baahan yahay inay u diyaargaroobaan gudashada acmaasha Xajka iyo soo dhaweynta Ciidda Udxiyada, waxay iyaduna leedahay ahmiyad weyn iyo abaal iyo dheeraad ajar ah oo laga kasban karo wixii acmaal ah oo la sameeyo.
10-ka ugu horreysa bishaasna waxaa loo arkaa kuwa ugu ajar iyo xasanaad badan oo gudahooda ay soo aroortay in la soomo sagaalka malamood ee ka horreysa maalinta 10aad ee Ciidda.
Waana maalmo uu Ilaahay ku dhaartay fadliga ay leeyihiin awgood. Si kastaba, Muslim walba oo aan ahayn Xaaji gudanaya acmaasha waxaa u bannaan inuu soomo. Hayeeshe, qof walba uma suuragasho inuu sagaalkaas maalmood isku xiro.
Balse in kale ayaa xisaabta ku darsada kuna tashada soonka maalinta 9aad ee Carafada.
Carafo, waa maalinka sagaalaad ee bisha 12-aad ee Dul-Xij ee tirsiga taariikh sheegaha Islamka, waa ayaanka labaad ee xajka, haddii aan si kale u dhahana waa marka ay muslimiinta xajineysa ay taagan yihiin banka amaba buurta carafa.
Maalinka carafo waxey ka mid tahay toban cisho ee ugu horreya bisha Dul-xij, kuwaasi oo uu alle ku dhaartay, oo weyneyneysa kana duweysa ayaamaha kale ee sanadka. acmaasha la sameeyo maalmahan waa kuwa uu allee ugu jecel yahay, sida ku dhigan xadiithkii Bukaari.
Muslimiinta taagan buurta carafo waxey alle weydiisanayaa cafis, iyaga oo rajeynayaa inay ka helaan danbi dhaaf, taasi baddelkeeda waxaa muslimiinta kale loo jideeyay inay soomaan.
Soonka maalinta carafo oo loo gaar yeelay muslimiinta qaan-gaarka ah oo aysan u suuragalin inay tagaan xajka, waa sunno, wuxuuse xanbaarsan yahay faa’iidooyin badan oo u gaar ah, kuwaasi oo ku dhiirigalinaya qofka muslimka ah ee awooda inuu afka xirto maalinkan.
Waxaa soonka maalinka looga dhaafa ruuxa muslimka ah danbigii ka dhacay sanadkii hore iyo kan soo socda, taasi oo muujineysa muhiimadda uu leeyahay maalinka.
Laakiin soomidda maalmahan iyo si gaar ah maalintan oo qura ma ahan acmaasha aadka loo amaanay sameyntooda. Waxaa kale oo qofka Muslimka ah u bannaan inuu ictikaaf sameeyo ama uu istoqfaarta iyo aqrinta Qur’anka iyo sadaqada uu si ka weyn kana deeqsisan sidii hore u joogteeyo.
Muslimiintii hore waxay sida bisha Soonqaad dhalashadeeda si lamid ah uga dhursugi jireen gaaridda maalmaha kheyrka badan ee Ilaahay ku dhaartay si ay uga qaniimeystaan waxa ajar ah ee ka buuxa.
Si kastaba, Maalinta Carafo soomiddeeda waxay u muuqataa mid si wadajir ah iyo waajib-ka-warqab ah loogu midoobo. Waxaana aalaaba la arkaa reeraha Muslimiinta oo kooda qaangaarka iyo waayeelkuba ay wada sooman yihiin. Waana wax lagu farxi karo madaama ay ka tujumayso muujinta shicaar Islaami ah oo isaga oo sunno ah aad loogu weyneynayo si maalinkeeda xigta wadajir loogu wada farxo bilashada Ciidda Udxiyadda.
Waxaa aad loo amaanaa in isla gudaha maalintan lagu baraarugo booqashada xigtada si gaar ah kuwa xanuunsan iyo quudinta iyo taakuleynta kuwa ayaanka liita ee walaalaha Muslimiinta caawimadooda ku nool si aanay kelinimo iyo cidlo u dareemin.
Qore: Zaki Hiraale iyo Sacdiya Nur Ciid.
You must log in to post a comment.