Cayilka xad dhaafka ah ‘oo lala xiriirinayo inuu dumarka ku ridi karo Kansar’ kana daran yahay Sigaarka
Posted by: Himilo
in Sahanka, Uncategorized
September 24, 2018
693 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Cayilka ayaa la filayaa inuu ilaa sannadka 2043ka noqdo caqabad ka weyn sigaarka oo dumarka UK uu ku rido cudurka Kansarka, taasoo ka weyn xitaa sigaarka, wuxuuna noqon doonaa waxa ugu weyn ee mudan in laga hor tago, sida lagu saadaaliyay warbixin ay UK ka soo saareen koox cilmi baareyaal ah.
Wakhti xaadirkaan, 12% ka mid ah haweenka uu ku dhacay kansarka waxaa sababtiisa lala xiriiriyay sigaarka, 7% ka mid ahna waxaa keenay cayilka iyo miisaanka xad dhaafka ah.
Hase ahaatee, iyadoo ay hoos u dhaceyso tirada dadka caba sigaarka, isla markaana la filayo inuu sii kordho xaddiga dadka aadka u buuran, ayay khubaradu qiyaasayaan in farqigaasi uu ku soo af jarmi doono muddo 25 sano ah gudahood.
Saadaasha la sameeyay ayaa lagu sheegay in saameynta hadda jirtana ay sii socon doonto.
Cilmi baareyaasha cudurka kansarka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in marka la gaaro sannadka 2035ka ay haweenka sigaarka caba ee uu ku dhaco kansarku tiro ahaan noqon doonaan 10% oo u dhiganta (qiyaastii 25,000 oo kiis), halka kuwa aadka u cayilan ee miisaankoodu xad dhaafka yahayna ay noqon doonaan 9% oo u dhiganta (qiyaastii 23,000 oo kiis).
Marka la gaaro sannadka 2043kana, haddii ay saameyntaas sii socoto, haweenka aadka u buuran waxay halista cudurka kansarka uga dhawaan doonaan kuwa sigaarka caba.
Casharro ku saabsan ka hortagista sigaar cabista
Ragga ku nool dalka Ingiriiska, cayilku uma noqon doono sabab ka weyn sigaar cabista oo uu ka dhasho kansarka, waayo tirada ragga ah ee caba sigaarka ayaa aad uga badan haweenka.
In kastoo ay aad u badan yihiin tirada ragga uu cayilkooda xad dhaafka yahay, haddana dumarka ayaa la filayaa inuu cayilka ku yeesho saameynta ugu ballaaran ee uu ka abuurmo kansarka.
Warbixinta ay khubarada soo saareen ayaa lagu sheegay in noocyada kansarka ee ka dhasha sigaarka ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca maqaarka, sambabbada, beer-yarada, mindhicirrada iyo caloosha.
Noocyada kansarka ee uu sababo cayilka waxaa iyana ka mid ah kansarka ku dhaca kelyaha, beerka, naasaha, minka, mindhicirrada, beeryarada iyo dhuunta.
Barfasoor Linda Bauld, oo ka mid ah khubarada cilmi baarista sameysay ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska looga baahanyahay iney dadka siiso casharro looga hortagayo sigaar cabista, si loo yareeyo xaddiga kansarka ee ka dhasha miisaanka badan.
Haweeneydaan ayaa sheegtay in dadka carruurnimadoodii ku cayilnaa uu inta badan culeyskoodu shan laab noqdo marka ay waynaadaan.
Daraasadihii ugu dambeeyay ee la sameeyay ayaa muujiyay in carruurta ku nool Ingiriiska ee uu cayilkooda xad dhaafka yahay ay sii badanayeen tobankii sano ee ugu dambeeyay.
‘In hadda wax laga qabto’
“Waa sababtaas waxa aan hadda u sameyneyno wacyi galinta ku saabsan farqiga u dhaxeeya sigaar cabista iyo cayilka, iyo sida ay u sababaan kansarka” ayay tiri Prof Bauld.
Waxay ku talisay in hadda wax la qabto oo si weyn loola tacaalo cayilka carruurta, lagana hortago inuu miisaankoodu xad dhaaf noqdo.
Wacyi galin in muddo ahba laga sameynayay halista sigaar cabista ayay sheegtay in guul laga gaaray oo ay hoos u sii dhaceyso tirada dadka sigaarka caba.
“Laakin, wali waa in la sii wado dadaalka ku aaddan in dadweynaha laga caawiyo sidii ay sigaarka u joojin lahaayeen, waxaan sidoo kale u baahannahay inaan hakinno xaddiga kansarka ee ka dhasha miisaanka faraha badan” ayay tiri.
Xigasho – BBCSomali.com
Related
2018-09-24
You must log in to post a comment.