crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Carruurta Rohingya oo Xeryaha Qaxootiga lagu barayo Qur’anka iyo Axaadiista. | HimiloNetwork

Carruurta Rohingya oo Xeryaha Qaxootiga lagu barayo Qur’anka iyo Axaadiista.

Muqdisho (Himilonetwork) – Kasoo baxsiga qalalaasaha ay kaga soo carareen dhulkooda – oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Buudiska ah ee Myanmar, carruurta qaxootiga Rohingya waxay wax-barasho diimeed ku helayaan kaamamka ay ku nool yihiin ee dalka Bangladesh.
“Waxaan halkan u imid inaan barto Qur’anka, hooyaday waxay rabtay in aniga iyo walaalkey aan diinta barano si aan shaqsiyad fiican u yeelano,” Saleema Khanam, oo 8 jir ah ayaa u sheegtay AFP.
Maadaama tacliinta rasmiga – teeda aas’aasiga ah – ay u baahan tahay in qofku uu deganaansho ku leeyahay dalka, oo aan laga ogoleyn xeryaha qaxootiga, isha kaliya oo ay wax-barasho ka helaan carruurtan ayaa ah madrasooyinka ka furan kaamamka.
Tacaddiyadii ugu xumaa ayaa laga diiwaan-geliyay qalaalasaha ka dhacay Burma – halkaas oo kumanaankun oo Rohingya ah ay la kulmeen dil, dhac, kufsi, iyo barakac kii ugu darnaa oo ay kaga soo hayaameen dhulkooda.
QM ayaa xasuuqa Rohingya lagu hayo ku tilmaantay nuuc kamid ah isir-sifeyska.
“Laakiin badi macalimiinta madaarista way samata-baxeen, waxayna halkan kasii wadaan shaqadooda,” ayuu yiri. “Halkan waxay ka dhiseen goobo wax-barasho si diinteenna iyo dhaqankeenna aan ugu ilaashanno.”
Madaarista qaar ayaa ku dhegan masaajiddo waaweyn halkaas oo ay ka helaan carruur badan oo ay wax u dhigaan.
Ku dhawaad 750,000 oo Muslimiin Rohingya ayaa kazoo qaxay xasuuqii lagu bilaabay kaas oo galaaftay nolosha dad badan 24,000, marka loo eego OIDA.
Halkan waxay ku leeyihiin nolol aan sahlaneyn iyo mustaqbal aan saadaal geli Karin nuuca uu u ekaan doono sannadaha soo socda.
Balse ugu yaraan waxay la diriri karaan Jahliga – iyaga oo Ilaahay ugu dhawaanaya barashada Kitaabkiisa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!