crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Carruur Waalidkooda Maxkamad ku taagaya sababta ay Sawiradooda usoo dhigaan BB. | HimiloNetwork

Carruur Waalidkooda Maxkamad ku taagaya sababta ay Sawiradooda usoo dhigaan BB.

MUQDISHO (HN) — Waxaan dhammaanteen jecelnahay inaan baraha bulshada ku wadaagno sawirrada saaxiibada iyo dadka aynu jecelnahay – innaga oo aan is weydiinin cawaaqibta ka ratibmi karta. Balse sheeko ka dhacday dalka Talyaaniga ayaa caddeynaysa in marwalba aysan sahlaneyn in qofkaada – carruurta – aad sawiradooda soo dhigto baraha bulshada.


16-jir u dhashay Talyaaniga ayaa maxkamad hooyadiis kula fuulay sababta ay sawirradiisa usoo dhigto barteeda iyada oo aan isaga kala tashan go’aankeeda. Wiilka ayaa ku dooday in tallaabadan ay hooyadiis ku dhaqaaqday ay naftiisa u horseeday saameyn uusan jecleysan oo waliba uu jecleystay inuu wax-barashadiisa u wareegsado meel ka baxsan dalkiisa siiba Maraykanka.

Bishii Dec sannadkii 2017-ka, garyaqaan Monica Valleti ayaa sameysay go’aan taariikhi ah iyada oo la dhinac safatay cabashada inankan. Waxayna hooyada dhashay weydiisatay inay tirtirto dhammaanba wixii sawirro ah oo wiilkeeda la xiriira ee ku jira barteeda, haddii kale ay wajahdo ganaax dhan €10,000 ($12,270).

Taniyo markii ay kala tageen aabihiis, waxaa muran uu ka dhex taagnaa isaga iyo hooyadiis. Markii ay kala soocmeen – oo ay kala dageen laba guri – hooyada ayaa bilowday inay soo dhigto sawirrada inankeeda – iyada oo ku sheegeysa inuu qabo xanuun dhimirka ah iyo waalli ama dilaa.

Hooyadan waxaa sidoo kale la faray inaysan mar danbe soo daabicin sawirrada wiilkeeda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kiiska nuucan oo kale ah uu ku dhex faafo warbaahinta caalamka, waxay ahayd sannadkii 2016-ka markii gabar 18-jir ah ay waalidkeeda oo 500 oo sawirradeeda ah oo ay ku daabaceen barahooda bulshada ku dacweysay maxkamadda. Waxay tilmaantay in sawirrada ay muujiyaan hab-dhaqankii foosha xumaa ee yaraanteeda oo aysan sinnaba u habbooneyn in lala wadaago bulshada.

Dowladda Jarmalka ayaa waalidiinta ugu yeeraysa inay la-tashi la sameeyaan carruurtooda marka ay doonayaan inay sawiradooda ku wadaagaan baraha bulshada.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!