crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Buundada laga dul dhisay webiga dushiisa! | HimiloNetwork

Buundada laga dul dhisay webiga dushiisa!

MUQDISHO (HN) — Buundada sabaysa ee Shiziguan oo sidoo kale loo yaqaan buundada riyooyinka Bridge of Dreams waa kaabad dheer ilaa 400 mitir taas oo ay adeegsan karaan baabuurta culeyskoodu ka yar yahay 2.8 tan si ay u kor maraan dusha webiga Qingjiang.

Webigan oo ay dhinacyadu kaga hareersan yihiin dhir waaweyn aadna u qurxoon, wuxuu kamid yahay meelaha ildoogsiga iyo dalxiiska loogu yimaado gobalkan. Waxaana sii bilay – micno kale oo soo jiidasho lehna u yeelay – buundadan yar ee laga kor dhisay. Waxaana wadajir dusheeda u mara dadka iyo gaadiidka taniyo markii la dhisay sannadkii 2016-ka. Waxaana loo qaabeeyey hannaan biyo-la-jaal ah oo aanay biyo ka tan badin karin aadna aysan u saba-sabeyn karin.

Darawallada dul maraya waxay ku socon karaan xawaare dhan 20 km saacaddii oo weliba lagu daray deganaan iyo si miirqab leh oo loo kaxeeyo!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!