crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bohoshii isku beddeshay Beerta Mooska ee ka qodontay Laamiga! | HimiloNetwork

Bohoshii isku beddeshay Beerta Mooska ee ka qodontay Laamiga!

MUQDISHO (HN) – Wax ku bilowday bohol ka qodantay jidka laamiga ah ee dhex mara mid kamid ah waddooyinka caasimadda Havana ee dalka Kuuba ayaa hadda noqotay beer yar oo qurxoon oo laga guran karo mooska. Dowladda hoose ee caasimadda waxay iska ilowday inay degdeg uga jawaabto inay dayactirto bohol ka qodantay laamiga dhexdiisa, hayeeshe, muddo gaaban kaddib waxay iska noqotay beer ay kasoo baxaan geedka mooska la yiraahdo.

Dalka Kuuba waa mid kamid ah dalalka ugu dib-dhacsan koofurta Ameerika, waxaana ka jira dhaqaale yaraan sababtay inaan adeegga dowladda hoose looga faa’iideynin muwaadinka. Laakiin wax markii hore ay musiibo u arkayeen dadka xaafaddan ku nool, hadda waxay u noqotay mahuraan nololeed oo aysan dooneyn inay waayaan.

“Markii hore waxaan wacnay dowladda hoose si ay bohosha nooga daboosho kadibna laamiga nooga hagaajiso,” ayuu yiri. “Balse kaliya bohoshii ay dabooleen laamigiina ma aysan dhisin.”

“Sidaas darteed waxaa meeshii kasoo baxay geedo moos ah hadda aad u waaweyn. Annaguna ma rabno in la jaro sababta oo ah waxaa na heysata cunno yaraan – waana u baahannahay kamana maarmi karo.”

Hadda subax kasta dadka xaafadda ayaa saddex jeer maalinkii waraabiya geedaha. Waxaana ay sidoo kale noqotay meel dadku ay dalxiis ahaan u yimaadaan si ay u arkaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!