MUQDISHO (HN) – Beeraley u dhashay dalka Poland, wuxuu ilaa hadda fahmi la’yahay cidda kusoo riixday fuustada ah – waxaa ku baaray baradhadii oo cid ka iibsato malahan ee kaalaya iska daldasha – balse wuxuu dhadhaminayaa natiijada qaraar ee kaga timid foostadaas. Wax walba waxay ka bilowdeen qoraal Facebook lasoo dhigay kaas oo lagu sheegayo in Mr. Piotr ay ku baareen baradho badan oo cid ka iibsata uu la’yahay. Sidaas darteedna uu ku bixinayo bilaash.
Tallaabadii xigtay ayaa noqotay in baaldiyo iyo wixii ka waaweyn ay dadku usoo qaateen beertiisa – iyaga oo ka daldalanaya baradhadii usoo go’day fasalkan. Wuxuu beeralay ahaa Piotr muddo ka badan 25 sannadood, weligiisna dhacdadan oo kale indhaha kama qaadin. Wuxuu ilaa hadda fahmi la’yahay cidda ka baahisay warkan been-abuurka iyo ku-tiri-ku-teenka ah ee lasoo dhigay baraha bulshada Poland.
Dadku waxay imaanayeen beertiisa sida inay ka fudeydinayaan culeyska tirada badan ee baradhada usoo go’day, waxayna sii daldalanayeen ilaa uu ka dhamaato. Hadda wuxuu doonaya inuu dacwad ku oogo dadkii usoo dhacay beertiisa ee baaldiyada ku daldashay baradhadii uu kusoo tiir iyo tacab beelay!
Ku dhawaad 150 tan oo baradho ah ayaa laga daldashay waxaana uu xooggii uu geliyay abuurkooda uu noqday mid Doofaar lagu eryaday oo kale. Markii ay bililiqadani ku dhacaysay beertiisa, wuxuu isaguna ku maqnaa tuulo kale oo uu kaga qeybgalay kulan qoyskiisu lahaayeen.




HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.