London (Himilonetwork) – Xilli hirarka Ophelia ay ku garaacmayaan British Isles, Masjidka London ayaa bilaabaya mashruuc uu ku caawinayo dadka hoy la’aanta ah ee gidaarrada ku gaajaysan – waxaana uu siinayaa cunno iyo jiif diirran.
Marka loo eego Chehata, Masjidku wuxuu qeyb ka noqday ol’olaha lagu garab istaagayo dadka gaajaysan oo uu soo abaabulay West London Mission (WLM).
WLM ayaa bilaha qabow ugu deeqda dadka liita hoy ay jiifsadaan iyo cunno ay cunaan.
Qeyb kamid ah dadaallada Muslimiinta UK waa inay kaalin libaax ka qaataan xaaladaha la xiriira kaalmada bulshada ay ku dhex nool yihiin. Mana ahan markii ugu horreysay oo tallaabtan oo kale ay horay u qaadaan.