Warbixin – Sida loogu dalxiis tago Beerta Nabadda.

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii ugu horreysay taniyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Jaalle Siyaad Barre, dalka Soomaaliya siiba Muqdisho waxaa dib uga furmay xarumaha madadaalada sida dalxiiska oo muddaba kamid ah warshadaha aan laga shaqeysiinin.
Beerta Nabadda waxay kamid tahay xarumaha loo dalxiiska tago ee caasimadda ka furmay sanado kahor. Bilowgeeda wuxuu gun-dhig u ahaa meertadii hore ee wadaniyiintu isku hal-qabsan jireen oo ahayd ku dalxiis dalkaaga.
Bulshada ku nool gobalka Banadir waxay si degdeg ah kaga jawaabeen doonista ay u qabeen helidda xarumahan oo kale. Waxaana dalxiisayaashaas kumaankunka ah kamid ah Caasho Suleyman Maxamed oo joogto u tiigsata xarumaha dalxiiska. Waqtiga halkan kaga baxana wuu kaga duwan yahay waqtiyada kale.
“Madaxa ayaa iigu dega imaanshaha halkan: waxaan ku qaataa farxad iyo reynreyn,” ayay tiri Caasho. “Saaxiibada oo dhan ayaan isla nimaadnaa.”
Kahor inta aan la helin xarumo dalxiis gudaha ah, Caasho ma ogeyn inay u baahan tahay dalxiis. Waxayse baahidaas usoo iftay markii caasimadda laga furay xarumo dhowr ah oo ay tirin karto.
“Wallahi awalba meel loo dalxiiso lama aqoon. Guriga unbaa la iska fadhin jiray,” ayay tiri. “Hadda laakiin waxaad aadi kartaa Daru-salaam, Pizza iyo Beerta Nabadda.”
Shaafici Cali Yuusuf oo sanad kahor bilaabay booqashada xarumaha dalxiiska waa mid kale oo kamid ah dhalinyarada magaalada kaas oo ku dalxiisa halkan.
“Inta badan waxaan ogaaday inaan u baahanahay waqti aan kula nasiino iyo bojiino qaato saaxiibadayda. Xilliyada fasaxa halkan ayaan ku qaataa,” ayuu yiri.
Shaafici in kasta oo waqtigiisa ugu badan uu siiyo tacliintiisa, haddana hadda kahor mahelin saacado uu meeshan oo kale ku qaato. Waxayna u leedahay ahmiyad weyn.
“Awalba waxaan ihtimaam siin jiray tacliinta. Xittaa waxaan waqtigayga oo dhan ku bixin jiray wax-barashada, hadda laakiin mar kasta waan imaadaa. Wada-sheekeysi, la kulanka asxaabta iyo wada-gelista sawirro ayaan halkan ku helnaa,” ayuu sii raaciyay.
Waxaase jira hadaf kale oo ganacsatada hir-galiyay mashaariicda nuucan oo kale ah ku doonayaan inay ku bedelaan aragtida caalamiga ah ee laga heysto Soomaaliya.
“Markii aan aragnay sawirka qaldan ee laga gudbiyo dalkeenna iyo fikradda madow ee laga qabo dhulkeenna waxaan isla aragnay inaan tallaabtan oo kale ku bedelno,” ayuu yiri madaxa howlwadeennada Beerta.
Markii la sameynayay dhismaha Beerta, dad badan waxay moodayeen in hoteello laga dhigayo iyo wax lamid ah. Qofna muusan ogeyn in dalxiis laga rabo. Farriimahani ay dalxiisayaashu aalaaba ka bixiyaan goobaha ay u dalxiis tagaanna kuma imaanin sahal. Waxay ku timid fikrad curdin ah iyo go’aan adag oo ganacsatada qaar ku diideen inay ku hal-abuur noqdaan kuwii hore, marka loo eego madaxa howl-wadeennada Beerta Nabadda.
“Dadku maadaama aysan fikrad ka heysan goob-dalxiiseed way ku adkeyd inay suuraystaan inaan dalxiis ka rabno halkan,” ayuu yiri. “Waxaan sidoo kale iska diidnay inaan sida ganacsatada kale ku howshoonno maal-gelinta hoteellada iyo wixii lamidka ah.”
Jiritaanka marxalado yaryar oo xaaladda hadba magaaladu ku sugan tahay ku yimaada mooyee, majiro dhibaato kale oo shaqadan ku foolan. Waana mid kamid ah siraha ku jira dakhliga muuqda oo laga sameyn karo sameynta meelo loo dalxiis tago. Dadaalkoodu ilaa xad magaarsiisna inay ku filnaadaan baahida ay shacabku u qabaan goobo dalxiiska. Waase dowladda mid looga fadhiyo inay shacbigeeda ugu raaxayso gudaha dhulkooda: kagana filnaato dalxiiska iyo inaysan dunida kale ka jeclaanin dhulkooda.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!