MUQDISHO (HN) — Bandhigga Buugta Banaadir oo maalintii labaad galaya – ahna gunaanadka – wuxuu sannadkan ahaa mid ay ku dhan tihiin dhammaanba bahda qalinleyda oo ay kamid yihiin kuwa baahiyaha gaarka ah qaba siiba dhegoolayaasha.
Qof kasta oo ku qornaa khudbad-jeedintana waxaa garab taagneyd Ubax Noor Cumar oo ciyaaraysay kaalinta isku xirka. Waxayna faham buuxa siinaysay martida kuwooda aan helin nimcada maqalka ee madasha ku sugnaa.
Markii uu soo xirmay bandhigga ayaanu kula kulannay Ubax ardaaga hore ee hoolka. Aad bay u da’yar tahay qof ahaan, balse howsha ay heyso oo sida ay tiri ku dhalatay jaceyl ay weligeedba u qabtay inay barato, waa mid qiimo weyn ugu fadhiya ururka ay la shaqeyso. Mana ahan oo qura isku-xire. Waxay sidoo kale door weyn ku leedahay howsha ka socota xarunta hey’adda.
“Waxaan wax u dhigaa ardayda dhigata machadka oo aan ka caawiyo fahamka casharadda iyo la-qabsiga habab ugu fudud ee loola jaanqaadi karo aqris-qoraalka,” ayay tiri.
Marka loo eego Qoraa Najmo Qaranbila, oo ah Agaasimaha Bandhigga Buugaagta Banaadir, si loo fahmo kaalintooda loona xoojiyo is-dhexgalka ay la sameynayaan bulshada inteeda, waa sababta ay sannadkan ugu casuumeen ka qeybgalka bandhigga.
“Innaga ayaa ku casuunnay bandhigga, hadafkayaguna wuxuu ahaa inaan noqonno kaabad isku xirta iyaga iyo bulshada inteeda kale – una iftiiminno kaalmaha muuqda oo ay kaga jiraan ilbaxnimada wax aqriska iyo qoraalka kuna dhiirrigelinno,” ayay tiri.
Innaga oo adeegsanayna kaalmada Ubax, waxaanu goobta kula kulannay Cabdifatah Mubaarak Maxamed, oo ah guddoomiyaha ururka horumarinta bulshada maqalka la’, wuxuu sheegay inay karaankooda ugu guuleysteen soo saaridda far-qoraal u gaar ah balse ay doonayaan in wax badan laga caawiyo.
“Ganacsatada iyo samafalayaasha waxaanu ka codsaneynaa inay hayaanka aan ku jirno qeyb muhiim ah ka qaataan,” ayuu yiri Mubaarak. “Waayo sida qura oo aan kula jaanqaadi karo umadda waa fahamka aqris-qoraalka waana lama huraan in nalagu kaalmeeyo xaqiijinta yididiilooyinka aan ka leennahay.”
Hey’adda oo la-aas-aasay sannadkii 2017-ka, waxay ka kooban tahay 27 xubnood. Waxaana sida uu yiri ay diyaar u yihiin inay kuwa maqalka la’ ka caawiyaan qoraalka iyo aqriska. Wuxuuse qiray inay kamid ahaayeen kuwa wax qora – mustaqbalkana ay doonayaan inay qorayaal soo saaraan.
“Inteenna yar ee fursadaha kooban hesha ayaa nagu meteli jiray fagaarayaasha aqris-qoraalka,” ayuu yiri. “Balse hadda innaga oo is wadana ayaanu rabnaa inaan muujinno waxa wadajirkeennu soo kordhin karo. Diyaarna waan u nahay inaan isku caawinno intaas.”
Somaaliya waxaa gu’gii dhashaba u furmaya irido cusub oo ilbaxnimada iyo jaceylka aqriska iyo dhigaalka qeyb xooggan ka qaadanaya. Bahda maqalka la’na waa kuwii ugu dambeeyey ee isu-taagaya inay xejistaan kaalintooda.
Qore: Zaki Hiraale.




You must log in to post a comment.