MUQDISHO (HN) – Baahida sida xowliga ah isu soo taraysa ee loo qabo ballaarinta dhulka uu ku fadhiyo Masjidka Xaramka ee Makka awgeed, dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inay ballaarintii ugu weyneed abid ku sameyn doonto bedka uu ku fadhiyo dhulka kacbada iyo hareeraheeda. Waxaana taasi la micno tahay in 900,000 oo dad ah oo hor leh iyo ka badan ay ku dukan doonaan Kacbada oo hadda ay ku tukan karaan – gudaheeda iyo bannaankeedaba – dad gaaraya hal milyan iyo jajab ama bar.
Dowladda ayaa mashruucan ku sheegtay mid aysan kaliya ku horumarineynin magaalada barakaysan ee Makka, balse sidoo kale ay u sahlayso xujeyda inay helaan adeegyo fudud oo ka kaalmayn doona gudashada acmaasha Xajka iyo cumrada – iyo dabcan ku oogidda salaadaha gudaha Xaramka.
Mashruucan ayaa ka koobnaan doona xarumo kala duwan sida dhismayaal la jiifto, kuwo caafimaad, meelo baabuurta la dhigto iyo dhir qurxoon kuwaas oo gebigoodba deegaanka saaxiib la noqon doona.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in – in kasta oo dabaqyo dhaadheer laga taagayo magaalada – haddana aan la iska ilaabi doonin marnaba dhowraarinta iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah ee ku yaalla magaalada si raadadkeedii hore loo keydiyo.
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.