MUQDISHO (HN) — Laba sannadood kaddib markii ay isaga hartay jilidda aflaamta, Sana Khan ayaa u banbaxday Sucuudiga si ay usoo gudato acmaasha Xajka iyo Cumrada markeedii ugu horreysay.
Waxaa safarka ku wehliya seygeeda, Mufti Anas Saiyad kuwaas oo muuqaalka imaanshiyahooda gegida duyuuradaha Madina soo dhigay barta Instagram-ka.
“Allaa ku mahadsan,” ayay tiri. “Ma qiyaasi karo dareenkayga inta uu la’eg yahay.”
Ka haritaankeeda jilidda aflaamta waxaa barbarsocday tiridda sawiraddii muujinayay qaawanideeda xagga timaha ama si kale xiriir ula lahaa aflaamteeda.
Hadda waxay sameysatay bar Youtube ah oo ay kusoo bandhigtay muuqaallada safarradeeda. Xajkan kahor, waxay gudatay cumrada kahor inta aysan ku dhawaaqin inay guursatay seygeeda Mufti Anas.

You must log in to post a comment.