Aroos noociisa aan horey loogu arag dunida oo ka dhacay dalka Talyaaniga
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
November 8, 2017
743 Views
Napoli (Himilonetwork) – Haddii aad maqli jirtay lamaane aqal galay, rag isguursaday ama Dumar dhexdooda isqaba, maanta waxaan soo baxday sheeko intaas oo dhan ka duwan.
Laura Mesi oo ah Macalimadda dadka barta jirdhiska ayaa shaacisay iney iyada isguursatay ka dib markii ay muddo 20 sanno ah raadineysay nin iyada ku habboon ayna ku guuldarreysatay iney soo hesho.
Maadaama ay si dhab ah u qaadatay guuldarrada, Laura Mesi ayaa markaas hor joogsatay muraayadda, waxayna bilowday inay su’aalo weydiiso nafsaddeeda, isla markaana ay isla nafsaddeeda jawaabaha ka hesho.
Sidaas darteed, 40 sanno jirtaan Laura Mesi ayaa jawaabtii ugu habbooneyd ka heshay nafsaddeeda, taasoo ku dhaheysa, maadaama aadan helin ninkii kugu habboonaa ‘Adigu isguurso’
Xaflad aan nuuceeda dunida hore loogu arag ayeyna ku dhigatay magaalada Lissone, ee gobolka Lombardy ee dalka Talyaaniga, halkaasoo ay timid iyadoo xiran taajka caruusadda, waxayna dadkii ay ku casuuntay xafladda u xaqiijisay inay nafsaddeeda marwo u tahay wixii haatan ka dambeeya oo ay iyadu isguursatay.
Laura Mesi ayaa faraanti qaas ah isku gelisay si ay u muujiso inay iyadu nafsaddeeda guursatay. Goor dambe ayeyna u sheegtay joornaalka La Repubblica inuu arooskaani ku yimid sharad ay la gashay asxaabteeda iyo qoyskeeda.
“Waxaan u sheegay asxaabteyda iyo qoyskeyga in haddii aanan helin ninka igu habboon illaa maalinta aan ka 40 sanno jirsanaayo, aan markaas guursan doono nafsaddeyda.” ayey tiri haweeneydan
Xafladdaan oo cinwaankeeda laga dhigay (Laura Mesi Sposa Single), ama sawiro xafladdan laga soo qaaday waxay qabsadeen baraha bulshada todobaadkan.









Xigasho – Allbanaadir.net.
Related
2017-11-08
You must log in to post a comment.