crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Arday Muslimiin ah oo lagu qasbay inay ‘u hagoogtaan’ Sanamyo! | HimiloNetwork

Arday Muslimiin ah oo lagu qasbay inay ‘u hagoogtaan’ Sanamyo!

MUQDISHO (HN) – Saddex arday Muslimiin ah ayaa loo ciqaabay – si xunna loo bahdilay – sababta oo ah waxay ku tukadeen fasal kamid ah Jaamacadda ay dhigtaan. Waxaana falkaas bahalnimada leh sameynaya xagjir si dhow xiriir ula leh Xisbiga BJP ee haatan maamula Hindiya. Muuqaal laga soo duubay ayaa la arkayaa iyaga oo ay soo xirixireen xagjirtani wiilasha Muslimiinta ah kuna eedeynaya inay ku jeesjeeseen Sanamyada ay caabudaan maadaama ay agtooda ku dukadeen.

Fiidiyowga ayaa sidoo kale muujinaya wiilashada oo dhegaha heysta – dalbanaya cafis – kaddibna la farayo inay amaannaan sanamyada ka gadaaleeya. Waxaa yaab leh in goortii uu falkani dhacayay ay booliska goobjoog ahaayeen aysan waxba ka qaban.

“Way arkayeen markii wiilasheenna lagu hor bahdilayay dadka hortooda: waxna kama qaban,” ayay yiraahdeen waalidiinta dhalay ardaydan Muslimiinta ah. Siyaasiyiinta mucaaradka iyo xubnaha Muslimiinta ku metela golaha Shacabka ayaa cambaareeyey falkan kuna tilmaamay mid xagaldaacinaya xaqa iyo xorriyadda diimaha oo Dastuurkoodu dhigayo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!