crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Arday Muslimiin ah oo lacag u ururinaya Falastiin. | HimiloNetwork

Arday Muslimiin ah oo lacag u ururinaya Falastiin.

MUQDISHO (HN) — Arday Muslimiin ah oo da’yar kuna nool Blackburn ayaa qeyb ka ah tartan kubadda cagta ah oo loo qabanayo ardayda iskuullada. Qorshahoodu waa inay lacag ugu ururiyaan Muslimiinta reer Falastiin ee ku nool Gaza.

Waxaa soo agaasimay dhacdadan  Hafiz Asif Iqbal iyoHanif Premi oo labaduba kamid ah jamaacada Masjidka Ghosia. Waxaana qeyb ka ah arday gaaraysa 100 oo ka kala yimid madrasado kala duwan.

“Ujeedkeennu wuxuu ahaa inaan midayno ardayda oo aan xoojinno isdhex-galkooda iyo dabcan kaalinta ay ka qaadan karaan wax-bixinta iyo samafalka,” ayuu u sheegay mid kamid ah qabanqaabiyayaasha wargeyska Lancashire.

Lacagaha kasoo xerooda cayaarahan waxaa loogu deeqi doonaa walaalaha Falastiin oo Yuhuuddu ay ku go’doomisay dagaal aan kala joogsi lahayn muddo 80 cisho ah.

Ku dhawaad 20,258 oo qof oo 70% ay yihiin haween iyo carruur ayay Yuhuuddu ku laayeen gumaadkii ay bilaabeen 7 October.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!