crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> ‘Adoo cayilan baad caafimaad qabi kartaa waa quraafaad’ | HimiloNetwork

‘Adoo cayilan baad caafimaad qabi kartaa waa quraafaad’

Muqdisho (Himilonetwork) – Fikradda sheegaysa in dadku iyagoo cayilan ay haddana caafimaad qabi karaan waa quraafaad, sida ay sheegayaan khuburo ku sugan boortaqiiska.
Cilmibaaristan oon wali la daabicin ayaa lagu darsay macluumaadyada caafimaadka ee dhakhaatiirtu ka diiwaan galiyeen 3.5 milyan oo ruux oo ku nool UK.
Waxay sheegeen in dadka aadka u cayilan ee aan marka hore lagu arkin calaamadaha horudhaca u ah wadne xannuunka iyo macaanka in qaybaha dambe ee noloshooda aysan ka nabad galin xannuunno, arrintaas oo burinaysa cilmibaaris horay loo sameeyay.
Cilmibaaristooda oo kooban ayaa lagu falanqeeyay shirka cayilka ee Yurub.
Odhaahda ah “buurni badqabta” ayaa ahayd aragti sheegaysay in cayilka siyaadada ah uusan dhib lahayn haddii ay siddii loo baahnaa yihiin cabirka dhiigga iyo sonkorta dhiiga ku jirta.
Laakiin cilmibaaristan oo ay sameeyeen cilmibaareyaal ka socda jaamacadda University of Birmingham ayaa darsay macluumaadkii laga arruuriyay malaayiin bukaan ah intii u dhaxaysay 1995tii ilaa 2015kii, si ay u eegaan bal in sheegashadaasi ay run tahay.
Cilmibaareyaashu waxay ogaadeen in dadka aadka u cayilan ee markaas xaaladdooda caafimaad ay siddii loo baahnaa tahay in ay halis wayn ugu jiraan in ay qaadaan wadne xannuun, qayb ka mid ah jidhka oo hawlgab noqoda, wadnaha oo istaaga, marka la barbar dhigo kuwa cayilkoodu uu siddii loo baahnaa yahay.
CayilLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Maxay tahay in ay dadku sameeyaan?
Talada wadne caafimaad qaba ee ay bixiso Hay’adda Wadnaha ee Britain ee magaceeda loo soo gaabiyo BHF waa in aan sigaar la cabin, la cuno cunto isu dheelitiran, in si joogto ah loo jimicsado iyo la yareeyo cabidda khamrida
Qof kaste cilmibaaritsan cusub ma ku qanacsan yahay?
Waxaa jirta cilmi baarisyo kale oo tilmaamaya in ay macquul tahay in aad caafimaad qabto adigoo cayilan.
Tusaale ahaan cilmibaaris la daabacay 2012kii ayaa tilmaamaysa in ay macquul tahay in qofku uu caafimaad qabi karo isaga oo cayilan.
Warbixintan oo lagu daabacay wargayska European Heart Journal sannadkii 2012kii ayaa cilmibaareyaasha sameeyay waxay tilmaamayaan in dadka cayillan ee jismiyan u caafimaad qaba aysan halis ugu jirin in ay qaadaan cudurrada wadnaha ku dhaca ama kansarka, ayna ula siman yihiin dadka miisaankoodu uu caadiga yahay.
Xigasho – BBCSomali.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!