9 Dec – Maalinta Caalamiga ee Ka-dhanka-ah Musuqmaasuqa.
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 2, 2018
460 Views
Muqdisho – Sanad kasta adduun dhan hal tirilyan oo Doolarka Maraykanka ah ayaa lagu bixiyaa laaluush – halka cadad lagu qiyaasay 2.6 tirilyan oo Doolar xatooyo ahaan loogu dhaco musuqmaasuq. Si kale marka loo dhigo, adduunka ku baxa Musuqmaasuqa sanad kasta wuxuu la’eg yahay 5% dakhliga adduun-weynaha.
Dalalka soo koraya, marka loo eego Mashruuca Horumarinta QM, lacagta ku baxda Musuqmaasuqa waxaa lagu qiyaasaa tobanlaabka lacagta kaalmada horumarineed loo adeegsado.
Musuqu waa gaboodfal weyn kaas oo araxda jebiya horumarka iyo dhaqaalaha bulshooyinka. Majiro dal, bulsho ama gobal ka caagan halistiisa. Sanadka, hey’adaha UNODC iyo UNDP waxay horumariyeen ol’ole isku-dhafan oo caalami ah kaas oo diiradda lagu saarayo sida musuqu uu saameyn ugu leeyahay wax-barashada, caafimaadka, cadaaladda, dimuqraadiyadda, baraaraha iyo horumarka.
Diiradda sanadkan ku foolan Musuqa waa in loo garowsado halista ugu weyn ee ku hor-gubdan hiisiga fog ee horumarinta joogtada ah ee QM.
Dadku aalaaba waxay moodayaan in musuqu uu yahay hab nololeedka kamid ah nolosha maalinlaha ah. hayeeshe, bulsho kasta, urur kasta iyo qof walbaba wuu ka faa’iidayaa kahor-taga ka-dhanka-ah musuqmaasuqa. Musuqu wuxuu dowladaha caadaystay dhaxalsiiyaa inay tahli waayaan siinta adeegyada aas’aasiga ah iyo haqab-tirka muwaadiniintooda.
Si kastaba, bishii Oct sanadkii 2003 markii la ansixiyay Cahdiga Ka-dhanka-ah Musuqmaasuqa ee QM, sanad kasta 9 bisha December waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ee Kahor-tagga Musuqmaasuqa.
Ku dhawaad mid kamid ah shantii qof ee Afrika ku nool waxay bixiyaan laaluush si ay ku helaan adeeg wax-barasho ama daryeel caafimaad. Waxayna kula macaamilaan saraakiil dowladeed iyo shaqsiyaad ka hoos shaqeysta.
“Musuqu waa halista ugu weyn ee heysta kobaca Afrika,” ayuu yiri Ali Mufuruki oo xubin ka ah Hey’adda IMF – sidoo kalana madax u ah Kooxda Maal-geshiga Tanzania ee InfoTech.
Badi dowladaha dunida saddexaad waxay u muuqdaan inaysan dadaalkii loo baahnaa ku bixinin la dagaalanka Musuqa. Hayeesh, waa muwaadiniinta qaaradda Afrika kuwa ugu ayaanka daran qaaradaha kale.
Toddobo kamid ah 10-kii qof ee ku nool dalalka qaaradda Afrika siiba kuwa Saxaraha ka hooseeya waxay sheegeen inay bixiyeen laaluush si ay danahooda aas’aasiga ah ugu gaaraan, marka loo eego Hey’adda Caalamiga ee Daah-furnaanta ee ‘Transparency International’.
Hey’adda ayaa tilmaantay in 75 milyan oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya inay bixiyaan lacago laaluush iyo wax-is-daba-marinba la xiriira sanadkii hore oo kaliya. Saboolku waa kuwa ugu il-daran. Waxay adduun ka badan Tanaadka ay ku bixiyaan helidda adeegga ay uga baahan yihiin waaxyaha dowladahooda.
Warbixinta ay Hey’adani ka sameysay 43,000 oo qof oo ku nool 28 dal oo kamid ah dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa sidoo kale lagu xusay in kala bar dadkani ay dhowr jeer lacago ku bixiyeen helidda iyo gaarista baahidooda.
Hayeeshe, qaaraddu dhammaan ma wada ahan Musuq. Dalal kale sida Mauritius iyo Botswana ayay warbixintu sheegtay in 1% muwaadiniintooda ay adeegga guud ku gaareen bixinta laaluush. Taas oo ka dhigan inay aad ula siman yihiin heerka dunida horumartay ay ka gaartay yareynta iyo cirib-tirka Musuqa.
Hey’adda Transparancy International ayaa xustay tusaale dhawaan-gal ah oo dalka Senegal ka dhaqan-galay. Sanadkii 2014 ayuu dalkan dhaca Galbeedka Afrika ansixiyay sharci lagula dagaallamayo musuqa kaas oo mas’uul walba oo doorasho kusoo baxa ku qasbaya inuu ku dhawaaqo hantidiisa kahor inta aan loo dhaarin xilka.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
Related
2018-01-02
You must log in to post a comment.