Waaya’aragnimadayda Barnaamijka Kobciye.
Posted by: Zakariya
in Wararka
May 2, 2018
616 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Saxaafaddu waa tiir kamid ah saddexda tiir marka laga yimaado macalinka iyo waalidka kuwaas oo go’aamiya nuuca ay bulshadoodu u ekaanayso.
Marka la rabo in la derso awoodda ay saxaafaddu ku leedahay doorashada burburinta iyo dib-u-dhiska, dalka Rwanda waa tusaalaha dhawaan-galka ah. Hal-hindisaha warbaahineed, Albert Rutadsimburwa, oo dalkiisa uga soo laabtay qurbaha ayaa rumeysan in Rwanda ay tahay buqcadda lagu darso waaya’aragnimada qaraar oo ka dhalata adeegsiga qaldan ee saxaafadda. Haddana wuxuu qirayaa in saxaafaddu tahay isha kaliya oo maanta suura-gelisay shucuur waddaniyadeed oo midaysan.
Dad badan oo innaga mida waxaa laga yaabaa inaysan sidaas usii malaynin kaalinta saxaafadda. Dhibtuna ma ahan marxaladda jiilka maanta ay ku indha qaadeen. Mushkiladdu mar walba waxay kusoo rogmaysaa hannaanka baahineed oo ay u dhegtaagaan dhageysigeeda iyo waxa ugu badan ee dhagahooda kusoo laablaabta.
Qiyaas saxaafad la nool sawirka maanta oo aan awoodi karin inay umaddeeda u suurayso duni barwaaqo ah iyo saadaal ayaan wacan. Layaab malahan in dhageystayaasheeduna ku qancaan waaqica maanta, kana cabsadaan is-bedelka nolosha.
Saxaafaddu mar walba waa awood dabiici ah oo kaalin lama huraan ah ku leh umadaha ku nool ifka. Mar waa guusha ka danbeysa umadaha liibaana: oo waxay dhaliyaan is-bedello dhinacyada kala duwan oo nolosha la xiriira. Marna waa awoodda sida tooska ah ula fal-gasha xaaladaha masiiriga ah ee raadeeya mustaqbalka umadaha oo aan la’aantood suura-geli karin.
Muddo badan, ka hadalka iyo soo gudbinta warbixinnada horseedi kara baruugga iyo is-bedelka mahelin madal lagu gorfeeyo. Kaalinta saxaafaddeenuna waxaad moodaa inaysan dhugmadii loo baahnaa u yeelan daba-galka dhibta iyo fursadaha ay la nool yihiin bulshadeenna. Taniyo markii saxaafadda xorta ah siiba warfaafinta uu kacaankeedu ka curtay dalka oo dhan, wax caadi ah ayay iska noqotay inay isku fikir ka noqdaan tebinta dhacdooyinka.
Balse Barnaamijka Kobciye oo aan muddo sannad ku dhow kamid ahaa saaxiibadiisa wax soo saarka, wuxuu iila muuqda anba-qaadka ugu horreeya ee lagu gaari karo garashada habboon ee lagu qeexo waxa ay ka dhigan tahay warbaahinta wax dhista.
Intii aan kamid ahaa shaqaalihii la dhinac shaqeynayay bahda wax soo saarka Idaacadda Mustaqbal, waxaan si lagu faani karo, shaqsi ahaan, Kobciye ka kororsaday waaya’aragnimo suxufinimo oo aan kaliya ku koobnaanin gudihiisa, balse ilaa iyo hadda raadeynaysa noloshayda. Dhex-galka bulshada, wax ka ogaanshaha xaaladda ay ku dhex jiraan iyo u kuur-galista fursadaha laftigooda ka dahsoon oo ay jeclaan lahaayeen inay dhagahooda ku dhibcaan waa waaya’aragnimadii aan ka helay ka shaqaale ahaan.
Shaqaalaha kale oo maanta sii haya shaqada marka laga yimaado soo saarayaasha barnaamijka, waxaan ugu bishaaraynayaa inay gacanta ugu jirto fursad aysan wada helin wariyaasha kale oo bulshada u gudbiya dhacdada, balse aan la fal-gelin xaaladahooda.
Sirta gaarka ah ee ku jirta jaceylka loo qabo dhageysiga xogaha iyo warbixinnada ku jira barnaamijka Kobciye ma ahan oo kale sida quruxda leh oo loo soo saaro, balse sidoo kale waa bulshada oo u bisil wax ka ogaanshaha gudaheeda taas oo – maadaama aysan helin karin warbaahin kale oo ay iska maqlaan – ku riixaysa ku xirnaanshihiisa. Sidaas awgeed sirta guuleed oo laga baran karo barnaamijka Kobciye waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo win-win oo ah in labada dhinac – dhageystaha iyo soo saaraha – uu midba gaarkiisa wax kaga fahmayo farriinta ay wadaageen.
Farriinta kale oo aan jeclahay inaan la wadaago bahda saxaafadda – siiba idaacadaha – anigoo ka faa’iidaysanaya sannad-guurada Kobciye, waa in barnaamijyada aad deysaan ugu yaraan aad u sameysaan mid si gaar ah bulshada ula fal-gala oo haddii uusan magaca la wadaagin Kobciye, ugu badnaan kala qeyb qaadan kara horumarinta aas’aasiga ah ee bulshadeennu ay u baahan yihiin.
Taasina uma baahna qorsheyn ballaaran iyo in laga warwaro qaabkii loo hir-gelin lahaa. Aynu loolanka saxaafadeed ku bedelno iskaashi warbaahineed oo sal-dhig u noqda saxaafad aragti iyo jiho cusub ku qaabisha is-bedelka bulshadeeda.
Waxaa jirta maahmaah Afrikaan ah oo tiraahda; ‘Haddii aad aaminsan tahay inaadan saameyn yeelan karin, qol iskula xir Kaneeco.’
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir; farriin-danabeed: hiraal86@gmail.com
Related
2018-05-02
You must log in to post a comment.