Tareenkii isku xiri lahaa Makka iyo Madiina oo ugu danbeyn Shaqo bilaabaya.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
September 27, 2018
616 Views
Jeddah (Himilonetwork) – Tareenkii ugu horreeyey oo casri – kaas oo isku xiri doona labada magaalo ee MAKKA iyo Madiina ayaa ugu dambeyn daaha laga rogay, sida ay soo xigatay VOA News.
“Wuxuu xawaareyn karaa 300 oo kilomitir saacaddiiba, wuxuuna aad u dhimi doonaa waqtigii badnaa ee lagu socdaali jiray fogaanta u dhaxaysa labada magaalo,” ayuu yiri Mohammed Falaha, oo ah maareeyaha Mashruuca Harameynka.
Waxaa la qorsheynayaa inuu qaadi doono 60 milyan oo rakaab ah sannad walba, wuxuuna wax badan ka qaban doonaa waqtiga badan ee xujeyda iyo muwaadiniinta kale ee Sucuudiyaanka uga baxa isku socdaalka labada magaalo.
Boosteejadiisu waxay noqoneysaa gegida diyaaradaha ee magaala-xeebeedka Jiddah si xujeyda loogu soo qaado labada magaalo ee Makka iyo Madiina.
Kaddib sanado dhowr ah oo uu hakad ku jiray furitaankiisa, hadda wuxuu diyaar u yahay inuu sannadka xiga soo dhaweeyo xujeyda soo booqanaysa Sucuudiga.
Labada Magaalo ee Xarameynka ayaa ah kuwa ugu mashquulka badan dalweynaha Sucuudiga xilliyada la gudanayo acmaasha kala duwan ee xajka iyo cumrada.
Waxaa la qiyaasaa in ku dhawaad 20 milyan oo qof ay sannad walba soo booqdaan Sucuudiga.
Mashruuca furitaanka tareenka xawaaraha leh, wuxuu qeyb ka yahay qorshaha ay Wasaarada Xajka in sannadka 2020 ay qaabisho xujey gaaraysa shan milyan – cumradana ay soo gudan karaan mar qura 30 milyan marka lagaaro sannadka 2030-ka.
Tareenku wuxuu sidoo kale kala daabuli doonaa Muslimiinta cumrada usoo aada magaalada barakeysan ee Makka.
Related
2018-09-27
You must log in to post a comment.