crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sida Imam Dhalinyar uu 90 Qofood uga caawiyay inay qaataan Islaamka! | HimiloNetwork

Sida Imam Dhalinyar uu 90 Qofood uga caawiyay inay qaataan Islaamka!

MUQDISHO (HN) – Afartii sannadood ee lasoo dhaafay, Emre Şahin, oo 33 jir Imam ah, wuxuu goobjoog u ahaa 90 qofood oo qaadanaya diinta Islaamka gudaha magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Sahin wuxuu shubaal ugu hadli karaa afafka Turkiga, Jarmalka iyo Carabiga, wuxuu ku bixiyaa kuna jeediyaa afafkaas khudbooyinka uu ka jeediyo masjidkiisa – isaga oo siinaya aqoon-kororsi diimeed oo ku qoran afafkaas gaar ahaan afka Jarmalka sida ay kusoo warramayso Daily Sabah.

Wuxuu ku dhashay dalka Jarmalka, wuxuuse markii uu 20 jirsaday u baxay dibadda si uu usoo barto culuumta Islaamka, wuxuuna kusoo laabashadiisa Jarmalka kaddib noqday guddoonka Ururka IGMG oo ah mid Islaami ah oo ka shaqeeya dacwada Islaamka.

“80% dadka noo yimaada waa kuwo dhisan faham ahaan, aadna usoo aqriyay Islaamka,” ayuu yiri Sahin oo intaas kusii daray inay bilo iyo sannado badan ku bixiyaan cilmi-baaristooda la xiriirta barashada iyo fahamka Islaamka kahor inta aysan imaan masjidka.

Masjidkooda ayuu sheegay inuu yahay xarun u furan wada-hadalka iyo barashada diinta Islaamka.

Mid kamid ah dadkii sababtaas awgeed Islaamka ku fahmay waxaa kamid ah haweeney 53 jir ah oo Masjidka u imaan jirtay inay fahamto Islaamka, bishii Ramadanta ayay si kastaba, dooratay inay maalin ka soonto. Balse waxay aragtay iyada oo Muslimiinta la dhammeysanaysa 30-ka maalmood ee bisha Ramadaan.

“Kadibna waxaan naftayda ka arkay inay weli wax weyn ka maqan yihiin oo aysan dhammeystirmin baahideeda, sidaas ayaana ku qaatay Islaamka,” ayay tiri.

Sannad kasta kumaankun ayaa kusoo biira Islaamka gudaha Jarmalka, Sahin wuxuu kamid yahay dadka Ilaahay gacmahooda kusoo hanuuniyo kumaankunkaas qofood.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!