crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qashin-qubka Delhi – Buurta Oogada ka qurxoon Hoostana ka qurmoon! | HimiloNetwork

Qashin-qubka Delhi – Buurta Oogada ka qurxoon Hoostana ka qurmoon!

MUQDISHO (HN) – Degmada Ghazipur waxaa ku taal goob lagu magacaabo Buurta Qashinka Delhi oo ku fadhisa bed gaaraya konton garoomo kubadda cagta lagu cayaaro oo la isku daray ah. Waxayna u dheer tahay sida Taj Mahal. Sannadkii 1984-kii ayaa la dhisay goobtan qashin-qubka ah. Waxayna dhacdaa duleedka degmada Ghazipur. Wuxuu figta sare gaaray qashinkeedu sannadkii 2002. Taniyo markaasna waxay usii koraysay sida buur dheer. Hadda waxay kamid tahay qashin-qubyada ugu waaweyn caalamka. Maalin kastana way sii koraysaa maadaama qashin hor leh lagu soo daadinayo!

Waxaa oogadeeda saaran qashin lagu qiyaasay 14 milyan oo tan. Waxayna ilo cudurro kala duwan sababa u noqotay dadka ku nool Delhi gaar ahaan agagaaraheeda. Urteeda looma gegsan karo xilliyada kuleylaha; si joogto ahna waxaa uga kaca dab sababa inuu gubo guryaha ologga la ah ama ka ag dhow. Waxaa intaas dheer, mararka waxaa dadka iyo gaadiidka hoos maraya kusoo duma qashin tiro badan oo waxyeello dhimasho iyo dhaawac isugu jira ku sababa. Qofkii qashinku kusoo duma ama ku aasma inta badan uma baahdo qabri kale in loo qodo.

“Weligeedba sidaan ayaan ku arki jiray, balanqaadyo aan dhab u rumoobin ayay dowlad kasta kusoo gashaa doorashada oo ah inay xal u keenayaan qashin-qubkan,” ayuu yiri Ibrahim Khan oo 71 jir ah.

“Qof kasta oo halkan jooga wuu jiran yahay ama wuu bukaa, waxaana ku adag neefsashada; anigana waxaan qabaa xanuun wadnaha ah: waxaana igu adag inaan neefsado.”

Bishii Sebtember sannadkii 2017-ka, 50 milyan oo tan oo qashin ah ayaa soo dumay ama kusoo daatay dhulka kaddib markii buurtu xejin weysay culeyskeeda. Waxaana ay galaafatay dad iyo gaadiid badan oo qashinka ka hoos maray dib aan loo arkin! Waxaa kale oo sannadkii 2024 uu dab xooggan ka kacay qashin-qubkan oo sababay wasaqow badan oo hawada ah oo dadkii ka ag dhawaa ay ka qaadeen xanuunno kala duwan!

Dusha sare marka aad ka eegto, Qashin-qubka Ghazipur waxaa la moodaa buur yar oo qurxoon, laakiin marka aad usoo dhawaatid waxaad dareemaysa ur qurmoon aan loo gegsan karin – sababta oo ah dadkuna waxay sidoo kale halkan usoo dhaqaajiyaan saxaradooda. Buurtan oogada ka qurxoon balse hoosta ka qurmoon waxay culeys caafimaad-darro oo aan yarayn ku heysaa dadka Delhi ku nool. Maalin kasta Delhi waxay soo saartaa qashin lagu qiyaaso 11,000 oo tan. Intoodaba badanna waxaa lagu soo daadiyaaa halkan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!