crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin – beddelka xaaskiisa oo musharaxa ah – sawirkiisa ku dhejinaya waddooyinka! | HimiloNetwork

Nin – beddelka xaaskiisa oo musharaxa ah – sawirkiisa ku dhejinaya waddooyinka!

MUQDISHO (HN) – Nin Ciraaqi ah ayaa ka yaabsaday warbaahinta dunida kaddib markii – beddelkii sawirka afadiisa oo u tartamaysay kursi deegaan doorasho – uu isagu isku dhejisay boorarka doorashooyinka; halka ay iyaduna noqotay musharrax aan la arki karin!

Shayma Sami waxay u tartamaysa kursiga golaha shacabka ee Xisbiga Taqadum, laakiin marka aad aragto boorarka saaran dhinacyada jidadka, waxaad u malaynaysaa inuu seygeedu yahay midka ku jirta tartanka doorashada oo aysan iyadu ahayn. Sheekh Axmed Ibraahim iyo xigtadiisu waxay o ol’oleynayaan isaga xaaskiisa, balse marnaba sooma muujinayaan muuqeeda ama sawirkeeda.

“Dhaqan ahaan, qabiilkeennu ma ayido aragtida ah in qofka la dooranayo sawiraddiisa lagu dhejiyo waddooyinka, waayo uma baahna musharaxu inuu codadka dadkiisa ku hantiyo muuqa wejigiisa. Waxaa ku filan in lagu qiimeeyo kartidiisa iyo wuxuu la gaarka yahay,” ayuu Ibrahim u sheegay warbaahinta.

Sheekada Ibrahim iyo xaaskiisa ayaa doodo kulul ka abuuray gudaha dalka Ciraaq.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!