crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiintii loo xiray Jaceylka Suubanaha NNKH oo dib u helay xorriyadooda. | HimiloNetwork

Muslimiintii loo xiray Jaceylka Suubanaha NNKH oo dib u helay xorriyadooda.

MUQDISHO (HN) – Maxkamadda sare ee Delhi ayaa iska diiday – meeshana ka saartay – in dambi laga dhigo jaceylka Suubanaha NNKH kaddib markii Muslimiin badan loo xiray loona waxyeelay sababtii ay u muujisteen jaceylkiisa awgeed. Maxkamaddu waxay xeer-ilaalinta dacwadda kusoo oogtay eedeysanayaasha Muslimiinta ah u sheegtay in xorriyadda diimeed ee Muslimiinta ay kamid tahay jaceylka Nabi Muxamed NNKH.

Arrintan ayaa daba-socta diidmo xooggan oo caro wehlisa oo ka timid xagjir Hinduus ah oo sheegay in qaadashada boorarka lagu qoray ‘I love Mohammed’ ay tahay mid kicinaysa shucuurta dadyowga kale oo aysan ahayn in la muujiyo. Soo muuqashada Muslimiinta iyaga oo sita boorar ay ku qornaayeen ‘waan jecelnahay Nabigeenna Muxamed’ xilli ay u dabaaldegayeen dhalashada Suubanaha ayaa ka caraysiisay dad badan oo aan Muslimiin ahayn. Waxaana xigtay iska hor imaad dhex maray Muslimiinta iyo kuwii diidanaa jaceylka Suubanaha NNKH.

Waxaa yaab leh in dadkii loo soo xirxiray dhacdadan ay dhammaantood ahaayeen Muslimiin – iyada oo aan kuwii kale midna laga soo qaban. Tiro gaaraysa 4,500 oo Muslimiin ah ayaa xabsiga loo taxaabay. Balse hadda Maxkamada Delhi ayaa fartay xeer ilaalinta in xorriyadooda dib loogu celiyo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!