crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiin loo diiday inay ku dukadaan Masjidkooda! | HimiloNetwork

Muslimiin loo diiday inay ku dukadaan Masjidkooda!

MUQDISHO (HN) – Jimcihii na dhaafay, tiro Muslimiin ah ayaa laga horjoogsaday inay ku dukadaan Masjid saddex dabaq ah – sababta oo ah wuxuu ka dhisan yahay goob sharci-darro ah. Dhacdadan is hortaagga ah oo ay sameeyeen lix xubnood oo kamid ah Xagjirta Vishva Hindu Parishad (VHP) waxay ugu dambeyntii ku muteen in loo xiro falkooda xayiraadda.

Xubnahan ayaa kahor intaan la xirin waxay iskugu soo baxeen afaafka hore ee Masjidka iyaga oo ku andacoonaya inuu ka dhisan yahay meel sharci-darro ah. Waxay u sheegayeen Muslimiinta inaysan halkan ku dukan karin oo kiis dacwo ah uu ku furan yahay Masjidka. Waxayna laamaha amniga weydiisteen in korontada iyo biyaha laga jaro Masjidka si aan loogu dukan.

In kasta oo iska hor imaad weyn uusan ka dhalan dhacdada ishortaagga ah, haddana booliska ayaa ciidamo dhowr ah kusoo daabulay agagaarka Masjidka si loo yareeyo ama looga hortago xiisad kale oo sii kacda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Masaajidda Hindiya ku yaalla lagu sheego kuwo ku dhismay sifo ama goobo sharci-darro oo ay qasab tahay in la dumiyo. Babri Masjid ayaa ahaa midkii ugu weynaa Masaajiddii la dumiyay iyada oo lagu sheegayo in meel aan sharci ahayn laga dhisay!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!