crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim adduun dhan £850,000 ugu deeqay Jaamacadda Cardiff. | HimiloNetwork

Muslim adduun dhan £850,000 ugu deeqay Jaamacadda Cardiff.

England (Himilonetwork) – Deeq-bixiye Muslim ah ayaa adduun dhan  £850,000 ugu deeqay Xarunta Barashada Islaamka ee Jaamacadda Cardiff – dadaal uu ku doonayo in fahamka saxda ah ee diinta Islaamka lagu dhex baahiyo gudaha dalka Britain.
““[Yousef Abdul Latif] Jameel wuxuu dhabtii qadarrin u sameeyey cilmi-baaristeenna la xiriirta kordhinta aqoonta Islaamka iyo Muslimiinta gudaha Britain,” Prof Gilliat-Ray, oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa u sheegay warbaahinta.
Deeqdiisa ayaa gaari doonta qeybaha kala duwan ee tacaaliimta Islaamiga ah ee Xarunta Jaamacadda ee gaarka u ah Barashada Islaamka. Qeybaha ugu muhiimsanna waxaa ku jira doorka Muslimka maanta uu ku leeyahay saxaafadda caalamiga ah.
Xarunta gaarka u ah barashada diinta ee Jaamacadda Cardiff waxaa la dhisay sannadkii 2005, waxaana lagu sameeyaa cilmi-baarista iyo aqoonta ku saabsan Islaamka iyo Muslimiinta guud ahaan gaar ahaan kuwa ku nool UK.
Jameel oo ah ganacsade caalami ah iyo deeq-bixiye, wuxuu sheegay in deeqdani uu kaga golleeyahay in cilmi-baaris lagu sameeyo xaaladaha saameynaya Muslimiinta ku nool Britain qarniga 21aad – iyo in is-faham qurux badan laga dhex abuuro bulshooyinka ay la nool yihiin.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!