MUQDISHO (HN) – Mar qura ayuu shiday codbaahiyaha Masjidka si uu dadka xaafadda u ogeysiiyo in gaariga uu ku dhacay balli biyo badan ka buuxaan. Wixii xigay ayaa ahayd in loo soo kala dheereeyey badbaadintooda.
Tani waa sheekada Imam Masjid oo la yiraahdo Abdul-hafiid oo ku nool gobalka Assam ee dalka Hindiya kaas oo dadka xaafaddiisa ugu yeeray inay u gurmadaan dad gaaraya 7 qofood oo gaari ay saarnaayeen uu kula qalibmay balli ay biyo ka buuxeen. Gaariga ayaa goostay xakamaha wuxuuna ka faniinay buundada. Waxaana uu kusii dhawaa inuu ku dhex mirqo biyaha. Balse taasi ma dhicin.
Dadkii saarnaa gaariga ayaa ahaa dad Hinduu ah oo ka yimid tuulo kamida tuulooyinka degmada. Waxaana la arkayay dadkii ajiibay baaqa imamka oo mid mid iskugu tuuraya biyaha si ay uga soo badbaadiyaan dadka ku jira gaariga.
Booliska ayaa sheegay in qofna uusan waxba ku noqon shilka dhacay oo dhammaanba toddobadii qofood lasoo badbaadiyay. Waxayna mahadcelin ballaaran u jeediyeen imamka Masjidka oo haddii uusan adeegsan lahayn codbaahiyaha ay adkaan lahayd in dadkaas loo fidiyo gurmad bani-aadnimo!
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.