Malaysia oo Dhagoollada u sahlaysa barashada Qur’anka Kariimka.
						
		
	Posted by:  Himilo 
	
	in  Dunida Muslimka
	
		
	 July 29, 2018	
	
540 Views 
	
				
					
					Kuala Lampur (Himilonetwork) – Koox cilmi-baarayaal ah oo kamid ah Jaamacadda Islaamiga ah  ee University Sains Islam Malaysia (USIM) waxay horumarinayaan software loogu sahlayo dadka dhagaha la’ inay ku bartaan Qur’anka.
“Dadka aan inta badan helin nimcada maqalka ee dhagoollada ah waxay ku haraan aqoon la’aan,” ayuu yiri Norakyairee Mohd Raus, oo madax ka ah Ibnu Ummi Maktum (UMMI).
Wuxuu intaas kusii daray in software uu si casri ah ugu fududeyn doono dadka dhegaha la’ inay ku bartaan Qur’anka.
Dhammaan walxaha sahli kara in qeybtan bulshada kamid ahi ay u sida kuwa kale u bartaan tacaaliimta Islaamiga ah sida Qur’anka ayaa ku jiri doono application-kan.
Jaamacadda USIM ayaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba waxay u bilowday mashruuc wax-barasho uu la fal-geli kara baahidooda sannadkii 2006 sida in kuwa araga la’ ay aqrin karaan Qur’anka qorina karaan.
	
Related
										
					
									 
								2018-07-29
								
								
				 				
			 
		
You must log in to post a comment.