crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Magaalooyinka Gabdhaha Booliska looga oggol yahay xirashada Xijaabka. | HimiloNetwork

Magaalooyinka Gabdhaha Booliska looga oggol yahay xirashada Xijaabka.

Washington (Himilonetwork) – Waaxda Booliska Maraykanka ayaa ku kala qeybsan haddii xijaab lagu xiran karo shaqada gudaheeda iyo in kale. 25-ka Laamood ee Booliska Maraykanka, 7 kamid ah ayaa oggol in gabadha Muslimadda ah ay xirato xijaabka xilli ay ku jirto shaqada. Lix kale ayaa diidan. Halka inta kale ay isaga aamusan yihiin gebi ahaanba arrintan.
Waaxyaha Booliska ee New York iyo Washington DC ayaa labaduba shaqaaleysiiyay haweenka xiran xijaabka. Sidoo kale afhayeen u hadlay laamaha booliska Baltimore, Memphis, San Francisco, Atlanta iyo Charlotte ayaa sheegay in saraakiisha booliska ee xiranaya xijaabka aan laga hor istaagi karin caqiidada ay rumeysan yihiin.
“Waxaan ku jirnaa difaaca hantida iyo nafta dadka Maraykanka,” ayuu yiri Lt. David Robinson. “Qasab naguma ahan inaan fara-gelinno waxa uu qofi rumeysan yahay.”
Jeer iyo haddana, Laamaha Booliska ee Los Angeles, Philadelphia, Houston, Las Vegas, San Antonio, Columbus, iyo Ohio ayaan oggoleyn in xijaab lagu xirto xilliyada shaqada lagu jiro.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!