MUQDISHO (HN) – Sarkaal ciidan oo Nigeria u dhashay – kaas oo daacadnimadiisa xeesha dheer awgeed – dunida ku yeeshay magac fiican ayaa lasoo werinayaa inuu ugu dambeyntii ku qancay diinta Islaamka.
Kaaliyaha Taliyaha ciidanka booliska Nigeria, Daniel Amah, ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka gudaha xaflad lagu qabtay Qasriga Emir Muhammadu Sanusi ee magaalada Kanu, dalka Nigeria.
Amah ayaa sumcad iyo amaan ballaaran ku mutay kaddib markii uu iska diiday in lagu laaluusho lacag dhan $200,000 xilli uu gacanta ku hayay kiis la xiriiray burcad hubeysan oo – iyaga oo kaashanaya qof sare oo ka shaqeeya qeybta maaliyadda bangiga – dhac ballaaran geystay.
Ficilka diidmadiisa oo ahayd mid aan aalaaba looga baran askari jooga Afrika gaar ahaan Nigeria ayaa soo jiitay indhaha dadkiisa, waxaana loo arkay – dhabtiina uu noqday – halyay is hortaagay musuqmaasuq ballaaran oo ka jiray dalkiisa. Geesta kalana, wuxuu tusaale cad u noqday in dhammaanba askarta iyo shaqaalaha dowladda – siiba kuwa u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada – aysan isku mid ka noqon karin xagga daacadnimada iyo xalaal-miirashada.
Si kastaba, warka ah inuu Daniel qaatay diinta Islaamka waxaa bartiisa soo dhigay Bashir Ahmad, oo ahaa u qeybsanihii hore ee dhinaca warbaahinta ee madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari.
Bashiir ayaa Amah ku qeexay qof toosnaan badan iyo geesi aan la iibsan karin. Daniel Amah wuxuu sannadkii 2022 guddoomay bilad sharaf lagu weynaynayay daacadnimadiisa iyo dadaalkiisa nafhurnimada leh ee ka shaqeynta sinnaanta iyo cadaaladda.
“In casrigan la joogo la iska diido lacag intaas la’eg – micnaha $200,000 – ma ahan mid qof kasta uu sameyn karo. Waxaa kaliya awoodi kara kuwa iimaanka leh ee naftooda kalsooni buuxda ku qaba.”
Qaadashadiisa Islaamkuna waxay kamid noqotay mid kamid ah taariikhaha qormay kuna darmay diiwaanka Nigeria oo ay adag tahay in si fudud loo hilmaamo.

HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.