La kulan – Deeqsiga Maalinle u quudiya Kumaankun Danyar ah!
Posted by: Himilo
in Wararka
September 27, 2018
800 Views
WASHINGTON, DC (Himilonetwork) – Milkiilaha maqaayad ku taalla caasimadda Maraykanka ayaa si maalinle ah u quudiya dadka hoy la’aanta ah si uu u sharfo dhaqankii wanaagsanaa ee hooyadiis ku dhaqmi jirtay.
“Waxaan waligay ku duceysan jiray in haddii aan maqaayad furo aan maalinteeda koobaad ka quudiyo danyarta hoy la’aanta ah,” ayuu yiri Kazi Mannan, oo ah mulkiilaha maqaayadda Sakina Halal Grill oo dhacda kasoo horjeedka Aqalka Cad ee Maraykanka.
“Waxaad usoo geli kartaan boqol boqol, marna maya idin dhihi maayo.. waxaan idin kusoo dhaweynaa inaad si lacag la’aan ah ku cuntaan waliba leh xushmad iyo qaddarin si macmiisha kale.”
Kazi wuxuu kusoo koray nolol adag oo uu kula nool 11 walaal oo la dhashay kahor inta uusan Maraykanka uga soo haajirin dalkiisa Pakistan – dardaaranka hooyadii waxay aheyd marwalba saacid dadka danyarta ah inta karaankaada ah.
“Waxaan si aan la qiyaasi karin hooyaday uga mahadceliyaa siday noo bartay ku shukriga Eebe iyo abaalka nolosha lagu sameysto,” ayuu yiri Kazi.
Marka ay cunnada kariso, Kazi hooyadiis waxay u diri jirtay cidaha deriska ah isaga oo sida cunno ay cunaan – in kasta oo ay ku noolaayeen nolol iska xadidan.
“Waxayna tani aheyd camal ay Ilaahay ku caabudo,” ayuu yiri.
Iyada oo ay sidaas tahay, Kazi wuxuu Maraykanka la yimid 3$ iyo samafalkii uu hooyadiis ka bartay nolosheeda. Kaddibna howl-adag dabadeed, wuxuu ku fikiray inuu furto maqaayad si camalkii wacnaa ee hooyadiis uu halkiisa uga miiso.
“Waxaan guriga ku dhex karsan jirnay cunnada, kaddibna saaxiibada ayaa igu yiri ‘maad furatid maqaayad sidaan ayaadba cunnada u karin taqaane,'” ayuu yiri. “Qaarkood haddana waxay igu yiraahdeen ‘ha u oggolaan dadka hoy la’aanta ah inay soo galaan maqaayadda, waayo waxay kaa sawir dilayaan muuqaalkeeda.”
“Laakiin dareenka ku sugan qalbigayga wuu ka baaxad weynaa talada ay iisoo jeediyeen, waxaana jeclaa inaan noqdo bani Aadan hiil gala,” ayuu yiri.

Kaddibna sannadkii 2013-ka, Kazi wuxuu ku socday duleedka degmadiisa wuxuuna dhammaan danyarta hoy la’aanta ah ku casuumay inay yimaadaan maqaayaddiisa.
Shan sano kaddibna, intii yareyd oo uu maalintaas ku casuumay inay soo booqdaan maqaayaddiisa, hadda waxay tiro ahaan gaarayaan kumanaan. Kazi wuxuu sheegay inuu sannadle u quudiyo danyarta gaaraysa 16,000.
“Haddii aad rabto inaad Ilaahay caabudo waa inaad caawisa addoomadiisa,” ayuu yiri.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
Related
2018-09-27
You must log in to post a comment.